Qeybtii 4-aad ee warqadihii Osama Bin Laden: Warqad Loo Diray Walaal

Muqdisho (Caasimadda Online) intii la socotay waxaan dhawaan idiin bilownay musalsal ku aadan waraaqo Document ah oo uu ka tagay Osaba Bin Laden.

Maantana waxaana qeybta Afaraad kusoo qaadaneynaa:

Warqad Loo Diray Walaal (Letter to Brother):

Bismilaahi Raxmaani Raxiim,

Waqradaan waxay ku socotaa walaalkeyga qaaliga ah, Allaha ka ilaaliyo dhamaan xumaanta oo idil.

Waan ku salaamayaa waxaana kuu rajeynaa naxariista Alle iyo ducadiisa inay ku garab taagnaato.

Waxaan warqadaan kuugu soo dirayaa anigoo rajeenayo inay kusoo gaari doonto sidoo kalena qof walbana uu wanaagsan yahay.

Aadban ugu faraxnay inaan fariintaadii helnay, Amaan waxaa mudan Alle.

Hadii aan kaala hadlo doonashada Abbi-‘Abd-al-Rahman gabadhiisa BM, warqad ayaan u diray reerkaas oo arinkaan ku aadan.

Waxay noogu soo jawaabeen in labo walaale ah marhore soo doonteen gabadha, hadii aysan midkood calfanin gabadha kadib warqad kale waad noo soo qori kartaa. Waxayna arkin ahayd lix bilood ka hor.

Xiligaas jawaab ayaan kuu soo qoray laakiin waan awoodi waayay inaan kuu soo diro ilaa sedex bilood kadib sidoo kalena jawaabteydii kuma soo gaarin.

Marka aan ka hadalno badiil ku aadan gabbar kale inaan kuu doono arinkaas Alle ayaa ku cilmi leh, laakiin halkaan waxaan ka heli karaa oo kaliya Shaykh ((Abu-al-Walid)) al-Filistini gabadhiisa.

Sidoo kalena waxaa jiraan gabdhaha uu dhalay Abu-al-Hasan al-((Shar’i) laakiin gudaha Pakistan ayay joogaan, jawaabtaada ayaan sugeynaa waana kuu ducenyneynaa in Alle kuu naxariisto marwalbo.

Marka aan kaala hadlo arinka ku aadan inaan warqad jawaab celin ah kuu soo dirin markii ugu dambeesay, waxaan fariinta ku qoraayay Computer la Charger gareenayo waayo halka aan joognay koronto malaheyn.

Waxaan isku daynay inaan matoor shidano si aan koronto u helno balse xaalada amaan ee aan ku sugneyn xiligaas sidaas ma sameyn karin, waan jeclaa inaan kuu soo jawaab celiyo laakiin Computer-kii ayaa dabka ka dhacay xiligaas.

Waxaa la iigu qasbay inaan fariinta joojiyo, laakiin hada Alle ayaa amaan mudan madaama qofka guriga iska leh aan kula heshiinay inuu matoorka korontada inoo daaro 11:00 habeenimo si aan fariimo u dirsano.

Dadka guriga iska leh waa kuwo wanaagsan, Alle ayaa amaan mudan, milkiilaha guriga  wuxuu la shaqeeyaa ururka, wuxuuna dhahay inuu aabo arkay xiligii uu xiran jiray khamiis gaaban sidoo kalena uu lahaa gar maddow.

Adiga maxaa kaa cusub? Noo soo qor waxa kaa cusub adiga, Abu-‘Abdallah, ‘Abdallah, ‘A’ishah iyo Usamah  waxay kuu soo dirayaan salaam fara badan.

Ugu dambeyntii waxaa amaan mudan Allaha koonkaan maamulo.

Salaam, marwalbana naxariista iyo ducwada Alle dhinacaaga ha ahaato.

Waxaa warqadaan kuu soo qortay walaashaa Khadijah, 24 Rajab