25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Qeyladu Qalbidhagax Ka Wayn!!! Qalad Miyaa Qalad lagu saxaa..?

Bookmark
Bookmarked

Share

Qaran dumay Qolfooftiis

Intaan hoos qadoodnaa

Kheyrkeen na dhaafee

Qalad laguma saxo qalad,

Haddii walaalkeen Qalbidhax la qaatay haraaga hala wada qabsado Qaranku gebigiis ha dumo miyaa Quman Walaalyaal?

Qiirada wadanigu toloow Qarbudaad miyaa? Qeyliyo Dhagax-tuur miyaa?

Danleey iyo duul Qarsoon

In ay Qorshe naga dahsoon Dadweynoow nagu dagaan miyeey daaw toosan tahay?

Waa wax laga xumaado Qalbidhax iyo Kheyrkiisba In loo Qafaalo Ethiopia mana qabato Qof Soomaali ah Inaan ka qeylino oon ka Qiiroonana qalad maahan ee waa Qiimaha muwaadinku leeyahay laakiin haddana Qaranka dumi maahan,

Burbur iyo kala danbeyn la’aan waa soo Aragnay maxaan ka helnay?

Eedaadka Soo mara Umul baa iloowdee eber aan ka bilaawno Arin toosan miyaa Allaan idinku dhaarshee?

Danleey Qorshe kale wadata in ay si dadban uga faa’iideystaan Qiirada wadaniga Qaranka tabarta yanana ku dumiyaan lama qaadan karo,

Sidaa darteed Dadweynoow Qeyladu Qalbidhagax ka wayne yaan muraad kale naloo qarin,

Dhinaca kale Madaxda Qaranka waxaan leeyahay Aamusnaanta jebiya Dadkiinana u Sheega Xaqiiqada Kolleey Nin Habaru dhashay hal ma seegi waayee is Cadeeya oo Cafis weydiista Illaaheey iyo Ummadiina Ceebu Waa laba Af maroojis.

W/Q: Abwaan Cismaan C/llaahi Guure

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

- Advertisement -

Read more

Local News