Qiimaha hubka oo sare uga kacay magaalada Muqdisho iyo sababta ka dambeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Qiimaha kala iibsiga hubka ayaa sare u kac xoog leh laga dareemay gudaha magaalada Muqdisho, waxaa kale oo kordhay dhaqdhaqaaqa dalaallada hubka, iibka, kala wareejinta iyo arrimaha la xiriira.

Xog uruurin laga sameeyey suuqyada hubka ee Muqdisho waxaa ku cad in qoryaha qaar uu qiimahoodu kordhay 100% sideeddii bil ee ugu dambeysay, taasi oo muujineysa sida dhaqdhaqaaqu yahay.

Mid ka mid ah kuwa hubka iibiya oo magaciisa C. M. aan kusoo koobeyno sababo amni waxaa uu leeyahay “Waxaa batay qoryaha la iibsanayo, siyaasiyiin iyo dad caadiya waa naga iibsadaan, diyaar-garow ayaa jira, ma ogin”.  Mar aan weydiinay goorta ay qiimaha kordheen “April markii dagaalka dhacay kadib waaye” ayuu kusoo gabagabeeyey.

Ganacsatada hubka ayaa sheegaya in uu jiro hub uruursi xooggan, uuna kala badan yahay dalabka iyo hubka suuqa yaalla iyaga oo intii raaciyey in aaney tan oo kale dhicin wixii ka dambeeyey 2009-kii.

Isbadalka Qiimaha:

AK47 nooca Kuuriyanka halkii uu ka ahaa $800 hadda suuqa waxaa uu ka joogaa $1,100

AK47 nooca Qarshoole halkii uu ahaa $1,000 hadda waxaa qiimahiisa gaaray ilaa $1,700

Qoriga BKM waxaa uu qiimahiisu ahaa $9, 000 hadda waxaa uu suuqa ka joogaa $13,000

Qoriga Dhashiike Dabamalaay halkii uu ka ahaa $8,000 waxaa uu hadda marayaa qiimahiisu ilaa $17,000

Qoriga Dhashiike Dabool yare oo qiimahiisu ahaa $8,000 hadda waxaa uu gaaray ilaa $15,000

Qoriga Sabanka halkii uu qiimahiisu ahaa $1,000, waxaa uu hadda gaaray ilaa $1,600

Bastoolada Dhabancas halkii qiimaheedu ka ahaa $1,800 hadda waxaa ay gaartay ilaa $2,500

Bastoolada Biljim-ta oo qiima ahaan horay u joogtay $1,800 hadda waxaa ay joogtaa $2,500

Basoolada Tetega oo markii hore lagu iibin jiray $700 iminka waxaa uu qiimaheedu gaaray ilaa $1,200

Dhanka rasaasta: Rasaasta AK47 xabaddii aheyd $1.2$ waxay gaartay $1.5, Rasaasta BKM oo la iibin jiray  $1 waxay hadda joogtaa $1.5, Rasaasta Shashike oo halkii Sanduuq ahaa $150 hadda waa $250, Rasaata Suugga oo halki xabo horay u ahaa $10 iminka waxaa uu gaaray $20 halka Raasta RBJ ama Sabanka oo $90 ahaa uu marayo ilaa $180.

Dalka waxaa ka socota doorasho guud, oo ah tii ugu musuqa badneyd tan iyo 1969-kii, iyada oo kuraasta loo xerayo dad gaar ah, la badalayo odeyaashii saxiixayaasha ahaa, la qortay qaar cusub, beelaha qaar la dhacay,  lana diiday tartan hufan oo musharaxiinta beelaha ah, taasi oo horseedi karta cabsi laga qabo qalalaaso iyo in dagaallo sokeeye ay dib u qarxaan.

Isha: Goobjoog