Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan ka soo baxay xafiiska wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa looga hadlay kulankii maanta ay Muqdisho ku yeesheen mucaaradka iyo xubnaha beesha caalamka.
Warkaan ayaa lagu sheegay in Mucaaradku yihiin madal “Badbaado Qaran ah” isla markaana shirkii maanta uu dabajoogay, shirweynihii mucaaradka ee maalmihii lasoo dhaafay lagu qabtay Hotel Jazeera.
“Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, James Swan, wuxuu ku faraxsan yahay inuu maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay xubnaha Beesha Caalamka ee loo yaqaan C6+ si uu warbixin uga dhagaysto hoggaanka Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska James Swan.
Xafiiska QM ee Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in kulanka maanta uu daba socday kulamadii caadiga ahaa ee xubnaha Beesha Caalamku ay la yeelanayeen bulshada rayidka ah, kooxaha mucaaradka ah, saraakiisha dawladda iyo sidoo kale Golahii Musharixiinta Madaxwaynenimo ee 2021-2022.
“Wada hadallada Madasha Badbaado Qaran ee Soomaaliyeed iyo xubnaha beesha caalamka ayaa diiradda lagu saaray taageeradooda ku aaddan wada hadal loo dhan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska James Swan.
Sidoo kale, Beesha Caalamka ayaa hoosta ka xariiqday in baahi deg deg ah loo qabo in madaxda Soomaalidu ay u midoobaan mawduucyada muhiimka ah sida ammaanka, siyaasadda iyo horumarka, sibey yiraahdeen “Soomaaliya loogu suurto galiyo inay horay u socoto looguna daneeyo dadkeeda.”
Dowladda Federaalka ayaa ka xumaatay in wakiilka Qaramada Midoobey, James Swan, uu Mucaaradka ugu yeero magaca “Badbaado Qaran” sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo xog ogaal ah.
Gelinkii dambe ee maanta, kadib markii uu soo dhamaaday shirkii mucaaradka iyo beesha caalamka, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tegay Xalane, halkaas oo xubnaha beesha caalamka uu kula shiray, inkastoo aan la shaacin hadii ay jiraan qodobo la isla meel-dhigay.