New York (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa mar kale soo saartay digniin culus oo ku socota Soomaaliya, taas oo ka dhalatay xaaladaha haatan soo kordhigay.
Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan la-dagaallanka argagixisada, Ben Saul ayaa soo jeediyay digniintan cusub, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay beesha caalamka.
Ben Saul ayaa si adag uga digay in caalamka uu joojiyo amaba yareeyo taageerada la siiyo Soomaaliya, xilli ay wajaheyso xaalad amni oo cakiran iyo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in taageerada beesha caalamka oo isugu jirto mid dhaqaale, tababar ciidan iyo garab siyaasadeed ay weli muhiim usii u tahay Soomaaliya, si ay usii socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu xoojiyo awoodda hay’adaha amniga dalka.
Khabiirka sare ee u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay dhaq-dhaqaaqa gudaha ee ay waddo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in weli ay muuqato awoodda kooxdan oo dagaal kula jirto ciidanka dowladda iyo kuwa shisheeye.
Waxaa kale oo uu soo jeediyay in si aad ah looga fiirsado tallaabooyinka la qaadayo ee la doonayo in lagu yareeyo taageerada la siiyo Soomaaliya, isaga oo carabka ku goday inay khatar gelin karto guulihii horay laga gaaray dagaalka adag ee lagula jiro argagixisada.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan uu sii laba kacleeyay dagaalka Al-Shabaab, kaas oo marxalad cusub galay, kadib markii ay kooxdu qabsatay deegaano horay looga xoreeyay oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka.
Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda wadda abaabul culus oo looga hortagayo Al-Shabaab, sida uu ku dhowaaqay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho
“Xoraynta deegaannada Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan ma istaageyso, Waa dagaal qaran. Waxa naga go’an in Khawaarijta laga suuliyo dalka oo dhan – deegaan deegaan, tuulo tuulo, illaa laga ciribtiro gebi ahaanba,” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

