Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul weyn ka gaaray dagaal culus oo ay la galeen kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysaneysay gobolka Jubbada Hoose.
Howl-gal qorsheysan oo ay ciidanku ka fuliyeen deegaanka Barjaale oo hoos taga degmada Afmadow ayay ku soo bandhigeen hub tiro badan oo ay ka furteen cadowga, taasoo muujineysa kartida iyo xirfadda sare ee ciidamada Kumaandoosja u leeyihiin dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Saraakiisha horkacaysay hawl-galkan ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ay dileen in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Shabaab, taas oo qeyb ka ah illaa 120 xubnood oo saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay dagaalka ka socda saddex gobol.
Sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen qaar kale oo ay ku jiraan horjoogayaal muhiim ah. Waxaa sidoo kale lasoo bandhigay sawirro caddeynaya khasaaraha ay gaarsiiyeen cadowga, kuwaas oo ay ka mid yihiin meydadkii la dilay iyo godadkii ay ku dhuumaaleysan jireen oo gebi ahaanba la burburiyey.
Ciidanka Danab ayaa weli sii wada hawl-gallada lagu baacsanayo firxadka kooxda Khawaarijta, iyagoo si buuxda ula wareegay deegaano muhiim ah oo horey gacanta ugu jiray argagixisada. Goobahaas ayaa hadda ah meelo nabdoon oo ay si buuxda u sugan yihiin ciidamada qaranka, taasoo astaan u ah horumarka laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha nabad-diidka ah.
Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dadaalka joogtada ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ku ciribtirayso kooxaha Khawaarijta, waxaana lagu guuleystay in saacadihii lasoo dhaafay lagu dilo in ka badan 120 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi, kuwaas oo lagu beegsaday gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose, weli waxaa goobihii lagu laayey ka socda baacsiga firxadka kooxda.
Si kastaba, Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa si buuxda isugu duuban sidii dalka looga sifeyn lahaa cadowga, loogana dhigi lahaa meel ammaan iyo xasillooni leh.