Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa farriin cajiib ah u direy saaxiibadiisa Golaha Wasiirrada.
Farriintan ayaa kusoo beegantay kadib markii si rasmi ah loo furay dhismaha cusub ee wasaaradda, kaas oo lagu dhisay dadaal dadweyne, iyada oo aan la sugin wax taageero caalami ah.
Munaasabadda furitaanka dhismahan cusub ayaa dhacday 20-ka May, 2025, waxaana xariga ka jaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Dhismahan ayaa noqday kii ugu horreeyay ee si buuxda ay dadweynaha iyo maamulka wasaaraddu iskood u dhistaan tan iyo burburkii dalka, taasoo muujinaysa horumar muuqda oo la taaban karo.
Dhismuhu waxa uu bilowday dhammaadkii sanadkii 2023-kii, waxaana uu noqday mowduuc si weyn uga dhex muuqday hadal haynta bulshada. Dadweynuhu waxay si gaar ah ugu bogeen talaabada ay qaadeen madaxda wasaaradda, iyaga oo ku dhiirrigeliyay in hey’adaha kale ee dowliga ah ay ku daydaan oo aysan sugin taageero dibadeed oo had iyo jeer la’eg.
Wasiir Roobow oo khudbad ka jeediyay xafladda furitaanka ayaa si cad u muujiyay in xitaa marka dhaqaalaha la haysto uu yar yahay ay suuragal tahay in wax la qabto haddii la helo hufnaan, aqoon iyo niyad wanaag. Wuxuu u diray fariin toos ah wasiirrada kale ee Xukuumadda, isagoo ku dhiirrigeliyay in ay ku daydaan nidaamka shaqo ee ay hirgeliyeen.
“Waxaan hubnaa haddii dhaqaalo yaraantayna dhaqaalayn lagu daro in aan wax badan xaqiijin karno,” ayuu yiri Wasiir Roobow, isagoo muujinaya in dadaalka, kartida, iyo ujeeddo wanaagga ay ka muhiimsan yihiin sugitaanka kheyraadka dibadda.
Dhankiisa, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn ugu bogaadiyay Wasaaradda Awqaafta dadaalka ay muujiyeen, isagoo tilmaamay in dhismahan uu yahay calaamad muujinaysa isku-tashiga shacabka iyo dowladda. Wuxuu sheegay in horumarka noocan ah uu lagama maarmaan u yahay dhisidda dowlad tayo leh oo bixisa adeegyo bulsho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale faray wasaaradaha kale in ay ka qaataan tusaale fiican Wasaaradda Awqaafta, isaga oo carrabka ku adkeeyay in xilligan aysan jirin cid dibadda ah oo u dhisaysa, balse looga baahan yahay in ay iyagu naftooda wax qabsadaan.
Tallaabadan muhiimka ah ayaa loo arkaa mid albaab u fureysa kobaca isku-tashiga guud ee ummadda, xilli ay yaraadeen deeqihii dhaqaalaha ee beesha caalamka ay siin jireen dalalka soo koraya, taas oo sabab looga dhigay musuq-maasuqa iyo hufnaan darrada hay’adaha ka shaqeeya horumarinta. Soomaaliya ayaa hadda u muuqata mid qaadaysa tallaabo cusub oo ku saleysan kartideeda gudaha.