QM oo ka digtay musiibo kusoo fool leh Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in dad lagu qiyaasay 20 milyan oo qof oo ku nool qaybo ka mid ah Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya oo ay abaaruhu saameeyeen in ay la kulmi karaan musiibo ay gaajadu ka mid tahay, haddii gobolka ay ku dhufato abaar sannadkii afraad oo xiriir ah.

Roobabka ayaan sidii la filayay uga da’in Geeska Afrika xilli-roobaadkan, waxaana saddexdii sano ee la soo dhaafay ay abaartu geysatay khasaare lixaad leh.

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay in baaqashada dalagyadii ka soo go’ay dalka Itoobiya ay sababatay in 7.2 milyan oo qof ay ku la soo gudboonaatay macaluul ba’an, isla markaana ay dileen in ka badan hal milyan oo xoolo ah.

Xaaladda dalka Kenya ayaa ah mid aan ka rooneyn tan Itoobiya, iyadoo abaarta ka sii daraysa ay keentay in inka badan saddex milyan oo qof ay cunto la’aan ku dhacdo, kuwaasoo ay ku jiraan nus milyan qof oo ay soo food saartay heerar gaajo ah oo degdeg ah.

Soomaaliya gudaheeda, WFP waxay sheegtay in lix milyan oo qof, ama 40 boqolkiiba dadweynaha, ay haysato cunto yari, iyadoo in ka badan 80,000 ay qarka u saaran yihiin macaluul.

Isagoo ka hadlayay caasimadda Kenya ee Nairobi, ayaa agaasimaha WFP ee Bariga Afrika, Michael Dunford, waxa uu sheegay in tirada dadka gaajeysan ay u gudbi karto dad lagu qiyaasay 14 milyan ilaa 20 milyan, haddii roobabku ay dib u di’i waayaan.

Soomaaliya iyo dalalka dariska ah ee Geeska Afrika ayaa haatan wajahaya xaalado adag oo bani’aadanimo ah, isla-markaana ka dhashay abaaraha baahsan ee ku dhuftay dalalkaasi.