25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

QM oo war kasoo saartay shirka la isku mari la’ yahay ee DF iyo J/Land

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay rajo fiican ka qabto shirka maalintii lixaad uga socda magaalada Addis Ababa dowladda Soomaaliya iyo mid ka mid ah garabyada isku haya Kismaayo.

Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya danjire Nicholas Key oo hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa saxaafadda u sheegay in labada dhinac ay ka muuqato biseel iyo tanaasul, taasoo ka dhigeysa in maanta ama caawa ay ku dhawaaqaan qoddobada ay ku heshiisyeen ilaa hadda.

Mr. Key ayaa sheegay in heshiis ay gaaraan labadan dhinac uu horseedi karo in gobaladda Jubbooyinka iyo Gedo ay helaan maamul loo dhan yahay.

Si kastaba, ilaa hadda waxaa la sugayaa in la saxiixo qoddobada lagu heshiiyay, waxaana socda kulamo looga hadlaayo siddii loo gunnaadi lahaa shirka muddada toddobaadka ku dhow ka socda Addis Ababa.

Shirkan waxaa dabada ka riixaya IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub , Qaramada Midoobay iyo diplomaasiyiin kale kuwaasoo ku dedaalay in labada dhinac ay isku soo dhawadaan maadama dhowr lagu kala booday qoddobada la gaaray.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

- Advertisement -

Read more

Local News