QM oo sheegtay inay halis wajahayaan suxufiyiinta Soomaaliyeed (Faah-faahin)

Mudisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay maalinta caalamiga xorriyadda Saxaafadda ee 3 May oo maanta ku beegan.

Qaramada Midoobay ayaa warsaxaafadeedkan si gaar ah diiradda ugu saartay dowrka fir-fircoon ee  hawl-wadeennada warbaahinta dalka ka cayaaraan bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda iyo sida loogu baahanyahay in la xaqiijiyo awooddooda si ay shaqadooda ugu gutaan si ammaan ah oo xornimo ku dheehantahay.

“Warbaahinta Soomaaliyeed waxay qayb muhiim ah ka tahay koboca dimuqraadiyadda waxayn u baahan tahay in ay awood u yeelato inay u shaqayso si xor ah oo aan lahayn hanjabaad, cagajugleyn iyo waxyeello, si ay u gudato hawsheeda muhiimka ah,” ayuu yiri ergeyga gaarka ah ee QM, Mr. James Swan.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in weli Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay wajahayaan xaalad halis ah, isla-markaana sanadkii la soo dhaafay la dilay 1 Wariye, 2 kalena la dhaawacay, halka 64 suxufi iyo shaqaale warbaahineed oo kale la xiray.

“Saxafiyiinta ku sugan Soomaaliya ayaa weli wajahaya halis jir ahaaneed oo dhinacyo badan leh. Tan iyo bishii Maajo ee sannadkii hore, hal suxufi ayaa la dilay, labo kalena waa la dhaawacay. Waxaa intaa sii dheer, in 64 suxufi iyo shaqaale warbaahineed la xiray iyagoo ku guda jira shaqadooda” ayaa markale lagu yiri qoraalka Qaramada Midoobay.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka sannadkii 1993-kii, iyadoo 3-da May loo asteeyay xuska sannad-guurada Baaqii Windhoek, kaas oo ahaa bayaan taariikhi ah oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya xorriyadda raadinta, gudbinta iyo helidda xogta iyo danta guud.

3 May waxay xasuusin u tahay dawladaha oo la xasuusinayo baahida loo qabo inay ixtiraamaan ballan-qaadyadooda ku aaddan xorriyadda saxaafadda iyo sidoo kale in la xuso mabaadi’da aasaasiga ah ee xorriyadda saxaafadda, qiimaynta xaaladda ay ku sugantahay xorriyadda saxaafadda ee adduunka oo dhan, laga difaaco saxaafadda weerarrada ka dhanka ah madax-bannaanidooda, iyo in la xuso saxafiyiintii naftooda ku waayay iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo.