Nairobi (Caasimada Online) Hey’adda qoxootiga QM u qaabilsan ee UNHCR ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay goobaha la dajin doono qoxootiga Soomaalida ee laga rarayo xeryaha qoxootiga dalka Kenya.
Sarkaal u hadlay UNHCR ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaas la dajin doono magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo iyo deeganka Luuq-Ganaanne oo ka tirsan gobalka Gedo.
Hey’adda ayaa ku celisay in aysan jiri doonin dad si qasab loo celin doonin oo ku sugan xeryaha qoxootiga dalka Kenya.
Dhawaan ayaa Kenya, Soomaaliya iyo UNHCR waxa ay heshiis ku gaareen in dib loo celiyo nus-malyuun qoxooti Soomaali ah oo ku nool xerada ugu weyn caalamka ee Dhadhaab.
Dhinaca kale, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Danjire Maxamed Nuur Cali Ameeriko ayaa sheegay in la dhisayo guddiyo Soomaali, Kenyan iyo UNHCR ka socda oo tira-koobaya dadka qaxootiga ah iyo goobaha ay ka yimaadeen, lagana caawin doono qofkii doonayo in uu laabto waxyaabaha aasaasiga ah.
Safiirka waxa uu beeniyay wararka sheegaya in heshiiska la kala saxiixday uu tilmaamayo in gebi ahaanba la xiri doono xeryaha qaxootiga muddo yar kaddib, wuxuuna sheegay in qofkii arrimo ammaan u cabsanaya aan dib loo celin doonin.
Wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan xeerar caalami ah oo ku aaddan ilaalinta xuquuqda dadka qaxootiga ah oo ay waajib ku tahay dowladda Kenya in ay ilaaliso, iyadoo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ay ka go’an tahay in qaxootiga Soomaaliyeed ay helaan xuquuqda ay leeyihiin.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi