QM oo warbixin cusub kasoo saartay xaaladda adag ee ka jirta Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Isu duwaha howlaha gargaarka bani’aadanimada ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula ayaa warbixin cusub kasoo saaray xaaladaha nololeed ee ka dhashay abaaraha baahsan ee ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.

Adam Abdelmoula ayaa warbixintiisa ku sheegay in abaarta ay sii kororto laga soo billaabo bishii Janaayo ee sanadkan, wuxuuna tilmaamay in saameyn daran ku yeelatay caruurta iyo dadka da’da ah.

“Halista ka jirta Deegaannada abaartu saameysay waa mid sii kordheysa, Dhulka oo qalalay, Roobka oo yaraaday iyo nafaqo darrada ka dhalatay baahida heysata Carruurta ayaa kordhisay welwelka laga qabo xaaladda ka taagan Soomaaliya” ayuu yiri Abdelmoula.

Sidoo kale wuxuu xusay in abaarta ku dhufatay Soomaaliya ay saameyn taban ku reebtay 6.1 Milyan oo ruux, 771,000 (Todobo boqol, todobaatan iyo kow kun) oo qof ayaa guryahooda isaga barakacay si ay u helaan Biyo, Cunno iyo Daaqa Xoolaha.

Isu duwan howlaha gargaarka bani’aadanimada ee QM ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey dadka haatan u dhimnaya gaajada ee laga soo warinayo deegaanada qaar ee dalka.

“Waxaan ka walaacsanahay in tiro aad u badan oo dad ah ay gaajo u dhintaan haddii aan si degdeg ah aan kor loogu qaadin gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimo ee kuwa sida aadka ah ay u saameeyeen,” ayuu sii raaciyeyAdam Abdelmo.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in meelaha qaar uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka oo fara ba’an ku haya qoysaska danta yar ee soo barakacay.

Ugu dambeyn isu duwan ayaa sheegay in loo baahan yahay in la kordhiyo howlaha kala duwan ee lagu taageerayo dadka tabaaleysan, si loo badbaadiyo noloshooda.

“5.5 Milayn oo ruux oo Soomaali ah ayaa 18% hela taageero aanay ku filneyn, sidaas awgeed waxa ay xubno katirsan Qaramada Midoobay soo jeediyeen in la kordhio sanduuqa taakulada ee Barakacayaasha si soo dejiyo,” ayaa markale lagu yiri warbixinta QM.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaaladdii ugu darneyd ee dhanka bani’aadanimada, taas oo ka dhalatay abaaraha haatan ka jira gudaha dalka.