Nairobi (Caasimada online) Wakiilka gaarka ee Qaramada Miudoobay u qaabilsan Qaramada Midoobay Nicholas Key ayaa ka hadlay siyaasada dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in iminka xaalada ay tahay mid mareysa meel wanaagsan.
Mr Key, ayaa sidoo kale sheegay in dalka Soomaaliya uu ku tilaabsanayo horumar dhanka amaanka iyo wadahadalada loo marayo sidii loo xalin lahaa qilaafkaadka siyaasadeed ee ka taagan dalka Soomaaliya.
“Fursada la abaauray iminka waxay tahay in dhibaatooyinka Soomaaliya lagu sameeyo ka shaqeynta sidii loo wadaagi lahaa ilaha dhaqaalaha iyo awooda maamulka ee dhexmarta dhinacyada kala duwan ee danaynaya wadanka, iyadoo u maraya hab federal ah aad ayaana ugu faransanahay in shacabka Soomaaliyeed ay ku mashquulaan sidii ay u yeelaan dodo iyo habsiyaasadeed oo lagu dhameeyo arimaha taagan” ayuu yiri Mr Key.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dalka laga qabtay afar shaqo oo ay ugu horeyso isticmaalida Xafiisyo muhiim ah oo ka shaqeeya dhisada Nabada iyo dib u heshiisiinta.
Ugu dambeyn Mr Key ayaa sheegay in waqtigan la joogo xilligii dadka fikradaha kala duwan ee dalka ka jira ay ku dhameyn lahaayeen khilaafkooda wada hadal iyo wada xaajood ayna u wadaagi lahaayeen kheyraadka dalka yaala.
Caasimada online
Xafiiska Nairobi

