25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Qoddobo Muhiim ah oo looga hadlay shirkii Nairobi ee Maanta (Warbixin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) Magaalada Nairobi waxaa goordhow lagu soo gabagabeeyay shir seddax geesood ah oo u dhexeeyay Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobay hey’adeeda u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR.

Shirka waxaa looga hadlay arrimo badan gaar ahaan siddii qoxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha dib loogu celin lahaa dalka Soomaaliya.

Shirka waxaa si weyn diirada loogu saaray in dadka doonaya in ay dib ugu laabtaan Soomaaliya, si nabadgalyo leh loo sagootiyo.

Shirka marka uu soo dhammaaday waxaa shir jaraa’id qabtay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, kaasoo sheegay in la isku raacay in qoxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya dib loogu celiyo Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in la gaaray xilligii dib loo celin lahaa dad lagu qiyaasay nus malyuun oo qoxooti ku ah dalka Kenya.

Mr. Ruto ayaa tilmaamay in maanta la isku raacay in la sameeyo guddi ka kooban dowladaha Kenya, Soomaaliya iyo UNHCR kuwaasoo billaabi doona bal in ay odorosaan siddii dib loogu celin lahaa qoxootiga Soomaalida ee buux dhaafiyay Kenya.

Wuxuu sheegay in la joogo xilligii qoxootiga dib loogu celin lahaa dalkooda.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya oo isna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in xittaa Soomaalida sharci darada ku jooga magaalada Nairorbi dib loogu celin doono qoxootiga isla markaana dib loogu soo celin doon waddankooda.

Wasiirka Arrimaha dibeda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya uusan ka imaan qorshaha qoxootiga Soomaalida dib loogu celinaayo waddankooda, waxa ay sheegtay in go’aankaas ay qaadatay dowladda Kenya markii dhowr mar la weerarray waddankeeda.

Waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay xilliga diyaar u tahay in Soomaalida ay ku soo laabtaan waddankooda, waxaa kaloo ay sheegtay in ku dhawaad 80 kun oo qoxooti ah ay hadda dib ugu laabteen waddankooda kuwaasoo ka tagay dalka Kenya.

Waxaa kaloo ay sheegtay in wixii ka dambeeyay qarixii Westgate Mall uu kordhay dalabka Kenya ee ku aadan in qoxootiga Soomaalida dib loogu celiyo waddankooda.

Ugu dambeen mas’uul u hadlay hey’adda UNHCR ayaa ku celceliyay in loo baahan yahay qaab sharciga waa faqsan oo aan ahayn xoog iyo juujuub loo isticmaalo dadka doonaya in ay dib ugu laabtaan waddankooda.

Si kastaba, si dhab ah looma sheegin marka uu billaaban doono qorshaha qoxootiga doonaya in ay dib u laabtaan la qaadayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News