Qodobadii aan ka fahannay khudbadihii madaxda dalka ee shirkii Dhuusamareeb

By Cabdifataax Cali Cabdalla

Madaxada Dhuusamareeb iskugu tagtay waxaa si wada jir ah canaabu uga saarneed dhanka beesha caalamka iyo shucuubta ay hogaamiyaan. M. Deni culays wayn ayaa ka saarnaa dhanka shacabka markii laga yimaado in uu eeda la wadaago madaxda Soomaalida guud ahaan. Reer Puntland waxay Deni ku dhaliilsanaayeen in ay dawladda Federaalkaa iyo xiriirka Puntland xumaaday, arrintaasna ay ku dhacday siyaasad xumo Deni ee la hagaajin karo sidaasna waxaa runtii nugu seegay ayay yiraahdaan waa shacabka Puntland e, dano farabadan, oo ay ugu horayso in saamayntii siyaasadda Puntland hoos u dhacday ama ay siiro noqotay.

Deni maahane madaxda kale ee maamul goboleedyada wax culaysihi kama saarnayn dhanka shacabkooda waayo siyaasadda maamulada kale shirko luguma ahan shacabka iyo siyaasiyiintuna saamayn wayn kuma lahan. Waalaga yaabaa siyaasadda iyo talada Galmudug in shirko lugu ahaan lahaa laakiin ayadu waaba iska curdun. Si guud madaxda federaalka iyo maamul goboleedyadu waayahaan way ku ceebaysnaayeen indhaha caalamka, waayo waxaa lugu jiraa xilli xasaasi ah oo laga sugayay siyaasad ay heshiisku yihiin oo lugu wajaho doorashada iyo cudurada aduunka ka jira.

KHUDBADIHII MADAXDA

Khubadaha madaxda maamul goboleedyadu meelo badan ayay iskaga ekaayeen gaar ahaan Deni iyo Waare, khubadahooda waxaa ku jiray hal eray oo ahaa “doorasahda yaan laga baqin”. Waare wuxuu hadalkiisa oo dhiira gelin ka helayay kii Deni maray meel u dhaw kii Deni. Qoorqoor asagu cidna ma taaban karin wuxuu ilaashanayay dano muuqda, halka. Axmed Islaam uu iska ilaalinayey qaadaa dhigga iyo falaaqyanta bulshada ka imaan kara hadduu katan-dhable ku hadlo waliba si bisayl ku jiro ayuu uga siibtay. Laftagareen wuxuu u muuqday nin ay latahay waxa ay latahay madaxda kale mana jirin asagu cid uu la xifaaltamayay awalna is hayntooda waa uu ku dhibanaa oo culays ayay ku aheed, farxad ayay uga caddeed Laftagareen.

Madaxweyne Qoorqoor khudbadiisu waxay eheed khubad u badan mahdin iyo maro-ilaalin. Wuxuu ku raaxaysanayay ereyada soo dhawaynta iyo sagootinta. Wuxuu sidoo kale aad u laxawsanayay madaxsalaaxa dadkii la martigeliyay oo ammaan kala dul dhacay Galmudug.

Madaxweyne Deni wuxuu u hadlay si kudhac iyo raganimo ku jirto markii loo eego mawqifyadiisii hore, wuxuuna u muuqday nin waxbadan liqay. Deni khudbadda uu jeediyay wuxuu ugu talagalay in uu ku qaabeeyo ra’yul caamka. Tusaale wuxuu taabtay in ay dabadan oo xildhibaano ku jiraan shirka miro dhalkiisa ka qayb qaateen. Waxaa xusid mudan in ay suuqa taalay in madaxda oo 7 qof aheed waxaan ahayn aysan shirka door ku lahayn waxaana si wayn uga hadlay Amb. Yuusuf garaad. Waarun madaxda albaabka ayaa u xirnaa waxa shirka kasoo baxayna ayaka unbaa isla gartay.

Sidii Deni u yimid waxaa bannaanka yaalay in madaxda maamulada iyo dawladda federaalka ah khilaaf u dhexeeyay. Deni si ku dhac iyo geesinimo leh ayuu u yiri “waa yahaan khilaaf ayaa jiray laakiin waxaan cadaynaynaa in aan la shaqayn doonno madaxda” hadalkaas ma ahayn mid si fudud Deni ku dhihi karo sida la filayey laakiin waa uu ku dhacay waana yiri. Hadalkaan waxaa soo dhawayn doona siyaasiyiinta reer Puntland waxaana ku laab qabowsan doona shacabka reer Puntland.

 Deni khubadiisa inta danbe waxay u badneed falaash iyo toosh ku ifin aan sarbeeb duugan ka marnayn. Wuxuu falaashka u billaabay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyihiisa baarlamaanka oo aan runtii waxa u jeeda aan la arkin oo ku hoos xabaalmay Qoorqoor. Sallaan ujeed leh ayuu Deni la sii maray masuuliyiinta aan sheegay, waxaa xusid mudan masuuliyiintaan wax sheegi jiray iyo wax xusuusan jiray way yaraayeen. Munaasabadihii waa waynaa ee Galmudug kasoo dhacay inta la xusay way yartay amaba lama xusin.

Deni intaas kuma ekaan wuxuu sii falaashay madaxwaynaha oo yiri “madaxwaynaha waan la shaqaynaynaaye doorasho fiican ha galo”. Arrintaas fasiraad badan ayay yeelan kartaa, waxay noqon kartaa in uu kala jeeday, madaxwaynuhu yuusan hunguriyay waqti kororsi iyo kursi la cararide, si sharaf leh dadka ha u la tartamo, doorashana ha qabto. Sidoo kale Deni wuxuu carabka la aaday siyaasiyiinta daaha gadaashiisa siyaasadda ka walaaqaya oo uu yiri “ragga naga maqan hayimadeen waan la shaqaynaynaaye”, wuxuu kala jeedaa siyaasiyiinta kuraasta raba lana dirirsan madaxda maamul goboleedyada.

Madaxweyne Waare wuxuu si toos ah u aaday mahmahaa ku qaloocatay M. Faramaajo taasoo aheed in qofka lugu tijaabiyo caafimaad kiisa madaxa, haan hoos ka daloosha buuxinteeda. Haddii qofku haanta biyo kushubo oo uu isku dayo in uu dhaamiyo caafimaad darro ayay muujinaysaa. Mahmaahyadiisa waxaa loo fahmay; qofk iyo cod qabashadeedu waa haan salka ka duleesha buuxi, waxaana qof iyo codku doodayay M. Faramaajo. Sidoo kale wuxuu raaciyay in aysan soconayn fantasiye siyaasadeed iyo faan. Arrintaas wuxuu ku durayay siyaasaddii M. Faramaajo uu ku xaragoonayay ee aadka u qiiradda badneed (qof iyo cod), Wuxuu sidoo kale farriin cad u diray dad uu ku sheegay dad kuraasi dusha u saarantahay.

Madaxweyne Axmed Islaam oo aad loo sugayay arrintiisa iyo khudbaddiisa, wuxuu hadlkiisa ku billaabay mahmaahyadii Soomaaliyeed ee mugga wayneed, “Gacmo Geelijire hoos ayaa loo dhaqaa, wexeenana hoos ayaan u xalisannay” ayuu yiri, wuxuu u muuqday in uu helay tiimbarihii xalaalaynta kursigiisa oo ay muran geliyeen Nabad iyo Nolol. Ahmed horay wuxuu usoo dejiyay oo kolayga ku sitay MP. Cabdirishiid Xidig oo uu kala kulmay loolan adag. Wuxuu u muuqday in ay M. Faramaajo ku heshiiyeen si dani ugu jirto waa Axmede laakiin xoogaa uu qawid sanyahay oo uusan ku jiifan karin ballan Khayre iy Faramaajo waayo; horay waxay u wada hadleen Khayre oo Kismaayo loogu sameeyay fantasiyo wixiina waxba kama soo bixin. Islaam wuxuu ku cataabay in lays cafiyo oo caloosha laysku furo, wuxuu cadeeyay is xumaansiga in aysan lahayn wax faa’iidaa, wuxuu sheegay in layska warqabo oo laysku xirnaado, wuxuu u muuqday nin ku riiqay is riixriixii siyaasadeed ee soo jiray waayahana.

Madaxweyne Laftagareen horay ayaan usoo sheegnay waxka badanna kama sheegi karno. Laftagareen waxaa dhib, culays iyo eed ku hayey khilaafka madaxda maamulada iyo dawladda federaalka ah. Laftagareen qadarin iyo kool koolin kuma qabin federaalka, kursigii ay saareen ayay uga dul tageen mana soo fiirin, marka uu asagu u yimaadana salaam xiiso leh ma salaamaan umana sara kacaan, waxay kasoo qaadeen kursigiisa kursi ay ayaku leeyihiin oo meel amaana u yaalla. Laftagereen duco gaar ah ayuu ducaystay dhibkii ayaa xalay Ilaaheey ka dul qaaday mar haddii ay afka Deni kasoo baxday isma hayno madaxda federaalka. Laftagareen wuxuu ku celceliyay “maanta ayay naga hartay waa lays khilaafsanyahay waad maqlaydeen Deni” hadalkaas wuxuu tusayaa in ay utun ku aheed Laftagareen khilaafka waayo nin uma hiilin karo wuxuu ahaa Hal labamidigle araacay.

Ra’iisul Wasaare Khayre asagu wuxuu ka hadlay cunto, cuntana si aan u faalayno ma naqaanno waxaase dhib iyo culays ku hayay agfadhiga Deni oo ka miisaan waynaa. Khayre ammaan uu Qoorqoor uday ayuu usii mariyay reer Galmudug. Si toos ah in uu u amaano way la haboonaan waysay wuxuu dhex marsiiyay amaanta reer Galamudug.

Khudbadda Madaxweyne Faramaajo wuxuu galay taariikh uu uga sheekaynayo dadaaladii dhawlad dhisidda Soomaaliya, wuxuu eed kala dul dhacay COVID19 oo uu ku eedeeyay in uu cuuryaamiyay dadaalo uu ka galay arrimaha doorashada. Madaxweynuhu wuxuu u muuqatay in uu wali agtaagnaa haantii Waare sheegay oo uu san ka quusan riyadiisii qof iy cod ee uu Waare ku sheegay fantasiye aan laga dhabayn karin. M. Faramaajo xooga wuu iska fogaynayay eeda ah cidda diidan qof iyo cod, wuxuuna arrinta u ekeeysiiyay in ay jiraan dad diidan in shacabka lugu celiyo awoodda arrintaasna uu qaatil ka taaganyahay.

Khubaddiisa wuxuu ku gaban gabeeyay qiimayn uu kusameeyay xukuumaddiisa oo sheegaysa in ay meel fiican ku wadaan, asagoo raaciyay in shacabku iska aaminaan oo ay niyadda iska wanaajiyaan.

Khudbadaha Axmed Islaam iyo Deni waxay iska la haayeen in ay dulqaad ka sheegeen madaxda dawladda federaalka ah, runtiina lama fahmin dulaqaadkaas ay ka sheegayaan waxa uu yahay iyo sida uu ku yimid. Nabad iyo Nolol waa u daranyihiin madaxda maamullada, il naxariis leh iyo gacan turiinana kuma taagan, sidaas daraadeed dulqaadka ay ka sheegayaan durriin ayaa loo fahmi karaa.

Waxaa la oran karaa Madaxweyne Deni ayaa qaabeeyay khubadaha ay jeedinayeen madaxda maamul goboleedyadu dhamaantoodna asaga ayay raaceen.

Madaxda maamul goboleedyada iyo dawladda federaalka ah waxay fadhiyeen maalmo Dhuusamareeb, waxay soo saareen warmutiyeed aan xaaladda dalka la jaanqaadayn waxayna u muuqatay in ay go’aan ka qaadan waayeen arrimaha doorashada iyo guraastii gobolka Benaadir ee Aqalka sare laga siiyay. Labadaan qodob waxay ahaayeen qodobada ugu xasaasisan ee laga sugayay in madaxdu ka hadlaan.

Qodobadaan waa masiiri si sahlanna go’aan loogama gaari karo, arrintu in ay sidaan tahay way ku baraarugeen sida muuqata madaxdu, waana tan keentay in ay wax go’aan ah si sahlan uga gaaraan. Markii ay shirka soo aadayeen waxay ahaayeen niman isku hilloowsan oo waji-gabax dhameeyay shacabkana ku hor ceebaysnaa sidaas ayay hal haleel ugu soo daateen markii Galmudug ku dhawaaqday gogosha.

Danjire Yuusuf Garaad ayaa horay u duray shirka, wuxuu ku duray in aysan madaxdu la tashan dadkii la socday iyo in ay yihiin dadkii taladu ku dhammaan laheed ayna u dhaqmayaan sidii dadkii daladu ka billaabanaysay. Waxay u muuqataa in madaxdu ku baraarugtay warka Yuusuf Garaad, oo ay hadda guddiyo farsamo is kaga dhiibi doonaan. Su’aal ayaa imaanaysay, gudiyadaas yaa ka mid noqonaya, sideese lugu gelayaa?. 

Arrimaha laga hadlayo waxaa u muhiimsan doorashada, sidaas daraadeed waxaa la filayaa in madaxwayne kastaa soo dirsan doono oo gudiga ku dari doono dadka uu ku kalsoonyahay kaliya. Si kale hadaan u dhigno, madaxdu waxay gudiga kusoo daridoonaan maamulayaasha kaanbaynadooda doorashada.

Madaxda maamulgoboleedyada iyo dawladda federaalkaa waa isku agdheceen, muddo ayay isi soo hayeen, dadkii iyo beeshacaalamka waa ay ku horceebaysnaayee. Waxay la noqotay in ay Soo saaraan war muryiyeedka aad aragteen kadib maalmo ay qol ku wada jiree. Waxay ku biyashubatay taladii Yuusuf garaad. Waxaa hadaladooda ka muuqday in ay ku wada hadleen markii ay ku jireen qolka kaligood ah aan kala nabad galno oo qofba qofka kale shartiisa haka hayo laakiin siyaasadu sidaas ma ogola.

Madaxdu shacabka waxay ugu baaqeen in aan la baqin laakiin uma sheegin wax baqdinta layskaga daayo, shacabku waxay aaminsanyihiin in mustaqbalkoodii dabku baxayo yaan la baqin afka ahna kuma gam’I karaan.

Madaxda qaarkood warmurtiyeedka siday u calalinaayeen ayay biyo ku liqeen qaarna sidiisa ayay u liqeen ayakoon calalin.

Waxaan ka warsugaynaa Shirka 15ka Ugaasto sida lugu heshiiyay xalayna la aqriyay, baaqasho iyo dib-u-dhac labada waa la filankaraa waxaa laga yaabaa in laysku mari waayo arrimaha qaar. Madaxdu waxay ku heshiiyeen in maamulaa qaar oo ay ka xayirnaayeen deeqo caalamiya loo fasaxo sida arrintaas loo hirgeliyo ayayna ku xiran tahay sida shirkaas layskugu yimaado, sidoo kale sida layskugu fahmo qodobadii doorashada iyo gobolka Benaadir aan ayaduna ka marnayn samaynta shirka.

Cabdifataax Cali Cabdalla – Waxaad kala xiriiri kartaa www.facebook.com/Cabdew

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid