“Qof ka adadag Cabdikariin Qalbi-Dhagax weli dalka SOOMAALIYA kuma arag”

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Ucid, Eng Feysal Cali Waraabe oo magaalada Hargeysa ay ku kulmeen Sarkaalka ONLF C/kariin Qalbi-Dhagax ayaa sheegay in Somaliland ay u maamuustay si ku haboon.

Feysal Waraabe, waxa uu sheegay in kulanka magaalada Hargeysa ku dhexmaray isaga iyo Qalbi-Dhagax uu ahaa mid ay kusoo koobeen dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa.

Feysal Waraabe, waxa uu sheegay inuusan horay u arag qof ka mowqif adag Qalbi-Dhagax, waxa uuna tilmaamay inay ka go’an tahay sida Somalia leysugu soo celin la’aan.

“Qalbi-Dhagax waxa uu aad uga dulqaad badan yahay Soomaalida kale waayo waxa uu u istaagay in Soomaalida ay wada nooladan iyadoo aan leys faquuqin ama lagu wada noolan kala fogaansho”

“Inta aan wada hadleynay Qalbi-Dhagax waxa uu hadalkiisa u badnaa in laga heshiiyo khilaafyada ka dhex jira dowlada Somalia iyo Somaliland, dabcan anagu ma diidanin in lagu wada noolaado derisnimo”

Feysal waxa uu tilmaamay in Qalbi-Dhagax, uu ka xaqiijiyay inuu u istaagayo sida Somalia leysugu soo dhaweyn lahaa isla markaana uu ka bilaabi doono Somalia iyo Somaliland.

“Anagu waanu soo dhaweyneynaa in meesha laga saaro waxyaabaha khilaafka dhaliyay, adduunka waxa ay wada dhaqmaan iyagoo aan isku calool fiyooben hadana isma qabtaan, marka waan soo dhaweynayaa dadaalkiisa”

Sidoo kale, Feysal Cali waxa uu arrin aad u fool xun ku sheegay talaabadii ay dowlada Somalia markii hore ku dhiibtay Qalbi-Dhagax, waxa uuna carab dhabay in dhiibitaankiisa uu ahaa mid albaabo kheyr qaba u furay.

Dadka ku lug lahaa dhibaatooyinka uu soo maray Qalbi-Dhagax ayuu ugu baaqay inay ka dhaqaan Sarkaalka wallow uusan sheegin cid gaar ah.

Si kastaba kulanka Feysal Cali Waraabe iyo Qalbi-Dhagax oo ahaa xog wareysi ayaa waxa uu kusoo dhamaaday in ahmiyada lasiiyo sida ay Soomaalidu ugu wada noolaan laheyd nabad iyo colaad la’aan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com