Trump oo shaaciye qorshe halis ah uu SHIINAHA la damacsan yahay dalkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa digniin culus kasoo saartay faragalin uu dalka Shiinaha ku sameeyo doorashada aqalka Congaresska mareykanka.

Doorashada aqalka Congaresska mareykanka ayaa  dhaceysa 6 bisha November, waxaana laga qabaa walwal dhanka Shiinaha.

Madaxweynaha dalkaasi Mr Donald Trump ayaa digniintaasi ku sheegay in Shiinaha uu doonayo in faragalin toosa ay ku sameeyo doorashada aqalka Congaresska, iyadoo la maraayo wadada Ruushka.

Waxa uu Trump eediisa ku sheegay in shiinaha marnaba uusan dooneyn guulo uu gaaro xisbiga Jamhuuriga ee uu hogaamiyo.

Waxa uu ku sheegay in taasi ay tahay sababo la xiriira shaqada adag uu ka qabtay siyaasada mareykanka iyo ganacsiga dibada.

Isaga oo ka hadlay kulanka golaha amaanka QM ee ka socda magaalada Newyork ayaa waxa uu sheegay in shiinaha isku dayayo ficilo ka dhan ah maamulka Trump.

Mr Donald Trump, waxa uu ka meermeeray bayaaninta eediisa ma uusan soo bandhigin cadeymo muujinaya eeda uu soo jeediyay.

Sidoo kale, haddalka Mr Donald Trump ayaa waxaa mid aan xaqiiq aheyn ku sheegay xukuumada shiinaha oo iyadu beenisay eeda loo jeediyay ee ku aadan inay faragalin ku heyso dorashada.

Xukuumada Shiinuhu waxa ay sheegtay in aysan dooneyn in ay ku lug lahaato ama fara galin ay ku sameyso siyaasada dalalka dibeda sida uu sheegay wasiirka arimaha dibeda Wang Yi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com