Mustaf Cagjar oo shaaciyey dib u soo celinta dhul loo qaatay si sharci darro ah

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha DDSI Mustafa Maxamed Cumar (Cagjar), ayaa daboolka ka qaaday in maamulkiisa uu qaadi doono talaabo dib loogu soo celinaayo dhulal si sharci daro ah loo qaatay.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook-ga Mustafa Cagjar, ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumada maamulka ay dusha sare kala socto dhulal badan oo ay hada haystaan Saraakiil ciidan oo Ethiopian ah.

Cagjar, waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in Saraakiishaasi ay ka qaadi doonaan, waxa uuna intaa raaciyay in sidoo kale shacabka laga boobay hantidooda ay heli doonaan.

Cagjar, waxa uu tilmaamay in maalmaha nagu soo aadan ay isbadalo badan sameyn doonaan, kaasi oo ku aadan dhulalka xooga lagu haysto.

Saraakiil Ciidan oo Ethiopian ah ayaa waxaa lagu eedeeyay in iyagu ay lunsadeen ama ay boobeen hanta ay lahaayeen Shacabka degan dhulka Dowlad Degaanka soomaalida.

Sidoo kale, qaar ka mid ah Shacabka ku nool magaalada jigjiga ayaa iyaguna dib looga wareejin doonaa dhulal uu leeyahay maamulka oo ay ku jiraan, waxaana go’aankaasi soo dhaweeyay xukuumada.

Dhinaca kale, Saraakiisha Ethiopianka iyo kuwa Soomaalida ee heysta hantida iyo dhulalka maamulka ee sharci darada ah ayaa iminka lagu bilaabay diiwaan galin, si loo dhaqan galiyo amarka Madaxweynaha.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

Caasimada@live.com