Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Beledweyn

Beledweyne (Caasimada Online) – Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu goordhow saaka ah ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan magaalada waxaana lasoo sheegayaa in Qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada maamulka.

Qaraxa ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo gudaha Magaalada ka howlgalaayay .

Ciidamada AMISOM ayaa furay rasaasta ugu badan Qaraxa kadib waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa kusoo waramaya in Qaraxa ay waxyeelo kasoo gaartay ciidamada, iyadoo markii uu dhacay kadib ay halkaasi gaaren gaadiidka gurmadka oo qaaday dad la kulmay Qaraxa iyo rasaasta.

Dadka ay waxyeeladu gaartay ayaa la sheegay inay kamid yihiin ciidamo ka tirsan AMISOM kuwa Jabuuti iyo dad xiliga Qaraxa lugeynaayay goobta.

Si dhaba looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxan ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com