Qof looga shakisan-yahay cudurka CORONAVIRUS oo lagu karantiilay BOORAMA

Boorama (Caasimada Online) ― Warar aanu hadda helayno ayaa sheegaya in magaalada Boorama ee gobolka Awdal lagu Karantiilay Qof looga shakisan-yahay cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus, iyadoo ay xalay shaacisay Xukuumada Somaliland in Labo kiis laga helay magaalooyinka Berbera iyo Burco.

Qofkan looga shakisan-yahay ayaa lagu Karantiilay goob loogu talo-galay, iyadoona la filayo in saacadaha soo socda laga qaado dheecaankiisa si loo xaqiijiyo in uu qabo caabuqa Coronavirus oo cabsidiisu si weyn uga taagantahay deegaanada Somaliland.

Halkan qof ee la karantiilay ayaa ahaa Dirawalka gaadhi dhawaan Dad rakaab ah geeyay xuduuda Somaliland iyo Jabuuti ee Lowya-cado, sida uu Caasimada Online u xaqiijiyey Mas’uul ka tirsan gobolka Awdal.

Shaqsigan la karantiilay oo aysan hadda ka muuqan wax calaamado ah ayaa muddo Labo iyo toban maalmood ah u kala gooshayey Xuduudaha Lowya-cado iyo Wajaale ee ay Somaliland la wadaagto dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Caasimada Online ayaa hore u baahisay Xog ay ku xustay in bulshada gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama ay khatar ugu sugan-yihiin fayruska Corona, maadama xog aan helnay ay tibaaxeysay in Dad qaba cudurkaasi ay magaalada usii dhaafeen dalka Jabuuti.