Dalalka Naadiga Paris oo Somalia ka cafinaya deyn gaareysa 1.4 bilyan oo dollar

Washington (Caasimada Online) – Dalalka deynta bixiya ee la isku yiraah Paris Club (Naadiga Paris) ayaa Talaadadii isku raacay inay Sooomaaliya ka cafiyaan 1.4 bilyan oo dollar oo ka mid ah lacagta lagu leeyahay oo gaareysa 5.2 bilyan oo dollar.

Go’aankan, oo sidoo kale dib loogu habeynayo deynta lagu leeyahay Soomaaliya, ayaa waxaa uu la macno yahay in dalalkan ay nasakhayaan 67% deynta ay ku leeyihiin Soomaaliya. Go’aanka ayaa yimid kadib wada-xaajood sagaal saac socday oo ay ku yeesheen video.

“Soomaaliya waxaa la filayaa inay marxaladda Completion Point gaarto 31-ka March 2023 ama ka hor, markaas oo ay heli doonto in laga cafiyo deynta harsan, ayada oo ka faa’iideysaneysa barnaamijka HIPC ee dalalka ay saaran tahay deyn ka tan weyn,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Naadiga Paris.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa go’aanka ku qeexay tallaabo weyn oo ay horey u qaadday Soomaaliya.

“Waxaan Naadiga Paris la yeelanay wada-hadallo miro-dhal ah, waxaana soo dhoweeneynaa taageerada ay Soomaaliya uga cafinayaan tiro la taaban karo oo ka mid ah deynta ay ku leeyihiin,” ayuu Beyle u sheegay wakaaladda wararka Reuters.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay wada-hadallo gooni ah mid mid ula yeelan doonta dalalka Naadiga Paris, si loo soo geba-gebeeyo hanaanka deyn-cafinta.

Beyle ayaa ballan-qaaday in dowladdiisa ay sii wadi doonto is-beddelada dhaqaale ee ay qaaday lixdii sano ee tegay, si ay ugu guuleysato deyn-cafin buuxda.

Sarkaal ka tirsan hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegay in deyn-bixiyeyaal kale la filayo inay Soomaaliya u ballan-qaadaan deyn-cafin, taasi oo Soomaaliya u suurta-gelineyso in laga cafiyo 100% deynta lagu leeyahay muddo saddex sano gudahood ah, haddii ay dhameystirto marxaladda labaad ee shuruudda deyn cafinta, ee loo yaqaan Completion Point.

IMF iyo Bankiga Adduunka ayaa toddobaadkii tegay sheegay in Soomaaliya ay soo geb-gebeysay marxaladda koowaad ee deynta cafinta oo loo yaqaan Decision Point.

Naadiga Paris, ayaa waxaa ku jira dalal ay ka mid yihiin UK, Mareykanka iyo Norway.