Qofkii dhiig ku dambeeyow damqo

By Asad Cabdullahi Mataan

Ugu horreyn, waxaan aad iyo aad uga murugooday dhacdadii musiibada ahayd ee dhowaan ka dhacday magaalada Muqdisho, taasi ayaanna damiirkeygu ii masaamixi waayay inaan ka aamuso. Marka xigta waxaan intii ku shahiidday waxyeellada culusna ka soo gaartay Ilaahay uga baryayaa inuu jannada ka waraabiyo ehelladii ay ka tageenna samir iyo imaan ka siiyo, Aamiin.

Waxaan filayaa in maqaallooyinkii tirada badnaa ee website-ka Caasimadda igu martigeliyey inaan ku iftiimiyo aragtiyada aan ka qabo musiibada ku habsatay dalkeenna iyo dadkeenna, ay ahaayeen kuwo ka digayey inay dhacdo musiibadii isgoyska Zobbe, haddaan si degdeg ah loo sixin khaladaadka jira oo dalkeenna u horseeday inaan dib ugu laabanno halkii aan ka soo gudubnay iyo cidda mas’uuliyaddeeda dusha ka saaran tahay. Qof kasta oo garaad leh way u caddeyd in haddaan dalka laga qaban is dabayaaca la caadaystay ee madaxda iyo fikraddooda ah inay ka shaqaystaan dalka intii ay u shaqayn lahaayeen una horseedi lahaayeen horumar iyo dib u soo noolaynta karaamada aan lahayn. Ummad ma xumaato ee waxaa xumaada hoggankooda, waayo waa wax maskaxda ka weyn in ummad wanaagga ka doorbiddo xumaanta. Anigu, inkastoo aan dibedda ku noolahay tan iyo burburkii dalka, haddana igama suuroobin in aan iska indho tiro waxa ka dhacaya dalkeenna iyo caddaaladarrada ummaaddeyda lagu hayo, waayo waxaan aaminsanahay in ilaa inta qof kasta oo ku abtirsada jinisyadda Soomaaliyeed uu dulman yahay anigu aan marnaba ku seexanayn hurdo caafimaad qabta, sababtoo ah waxaa xaqiiq ah in meel aan dhulkeyga ahayn ku ammaan heli karin, hase yeeshee waxaa ayaandarro ah in burburka dalka lagu hayo ay horseed ka yihiin kuwii laga filayey inay fahamsan yihiin ama ay garowsadeen in dalkooda mooyee dal kale oo shisheeye aanay u aayi doonin.

Anigu, inkastoo aan dalka ka soo dhoofay burburkii kaddib, haddana weligay fikir ahaan iguma soo dhicin inaan qaxooti ahaan isugu dhiibo dalka aan degganahay ama aan magangelyo siyaasadeed weydiisto walow aan buuxin karay shuruudaha lagu helo magangalyo siyaadedeed, waayo damiirkeygu waa i siin waayey inaan saxiixo ama caddeeyo inaan ahay qof aan dal iyo dad toona lahayn (Apolide). Ilaahay ayaan ka magan galay, ma waxaan inkiri karaa dalkayga iyo dadkayga.

Su’aashu weli taagan waxay tahay: Dalka iyo dadka ma la badbaadin karaa? Anigu waxaan qabaa in haddii daacadi jirto inaan badbaadin karno, waayo waxaa la yiri “Geeridu waxay ku dambaysaa rajada” Ilaa aan rajo ka qabno inaan dalka iyo dadka badbaadinno waxaa hubaal ah in ugu dambayntii aan ku guulaysan karno hadafkaasi muqaddaska ah.

Haddaan u soo noqdo, musiibadii isgoyska Zobbe iyo dadkii tirada badnaa ee ku naf waayey ama ku dhaawacmay, waxaan caqliga saliimka ah geli karin in laga aamuso qofkii ama intii ku fekertay in dada an waxba galabsan lagu xasuuqo, looguna jawaabo tacsi iyo eedeyn aan u qalmin in loogu abaalgudo dhibaatada ka soo gaartay musiibadaas dhacday. Waa inaan ka damqano dhibaatooyinka joogtada ah ee soo gaarto ummaddeena waayo waa ehelkeenna, ubadkeenna inta ugu liidata oo taageero buuxda nooga baahan.

Sanooyinkan dambe waxaa caado noqotay in dad tiro xad dhaaf ah si sahlan nafta looga qaado, jawaabtuna ay notay “Dabley bastoolado ku hubaysan oo haytooda la garanayn ayaa da dambaysay goobtiina ka cararay” iyo tacsi iyo cambaarayn. Waddanku wuxuu ku soo baxay dal laga faalloodo dembiyada dhaca ee aan marnaba laga hadlayn dembiilaha. Ilaa inta aan dhaqankaas la beddeli doonin waxaa hubaal ah in maalin maalmaha ka mid ah la arki doono annagoo ku waabariisanay meel aan wax ka-qabasho lahayn.

Taasi waxaa ka sii daran maqnaashaha ama indho i-katiridda dawladda oo caado ka dhigatay inay ashuun ku aruurto intii ay tallaabo badbaadin ah qaadi lahayd ama ay caddayso dhacdo kasta waxa ay ka dhihi lahayd. Daruuri ma aha inaan halkan ku xuso dhacdooin badan oo shacabka sugayeen inay dawladda mowqif ka qaadato, intii koobnayd ee ka qaadatayna ay noqdeen kuwo niyad jabiyey shacabka.

Shacabku isma hoggamiyo ee dawladdiisa ayaa hoggamisa, waxaase nasiibdarro ah in dawladdu magan u noqotay qabiil iyo dawlad goboleed. Waxaan marar badan soo xusuustaa hal-ku-dheggii ahaa “Yaa taqaan maye, maxaad taqaan haa”. Mar haddii jagooyinka mas’uuliyadeed lagu xulo hab qabiil, sidii jagadaas ay u xiran tahay qabiilka “Af ku-uusle” ee aan loo eegin qofkii loo arko inuu ka soo bixi karo mus’uuliyaddaas, waxaan shaki ku jirin inaan qod ku sii dhacayno, ujeddaduna ay noqoto in qabiil la naaxiyo ee aan loo aabba yeelin maslaxadda dalka iyo dadka. Taasi waxay na dhaxalsiisay in la gaaro reer Abbaayaday uu si xishood la’aan ah uu ku dhawaaqo inuu kasoonidii kala noqday dawladda ama erey xanuun badan oo doqonnimo ku dheehan tahay oo ah “Arrinkaa looma dhammo”. Fikradahaasi waxashnimada ah, dawladda ka sokow, waxay ihaano ku tahay qabaa’ilka badan ee kale laftooda, waayo waxay raali ka noqdeen in hal qabiil uu sharafta ka qaado. Waxaa iga su’aal ah: Qabaa’illaada Somaaliyeed ma hadda ayey dhasheen?

Tallaabada keliya ee dawladdu ku xallin karto dhibaatooyinka iyo is-qabqasiga xad dhaafka ah isla markaana qarandumiska ah, waa iyadoo ka dhabayso hirgelinta ku-dhaqanka Dastuurka waayo haddii taasi jiri lahayd, waxaan ka baaqsan lahayn ihaanadii ka soo baxday shirkii maamul goboleydyada ee Kisimaayo. Sidaan hore u sheegay Dastuurka fadhiidka ah waa mid asal u ah is-dabyaaca iyo musiibada dalka ku habsatay, waana midda keentay in dib u dhac ku yimaado isla markaana laga cagajiido in loo dhiso Maxkamaddii qaadi lahayd dembiyada dastuuriga ah. Ha layska daayo is tustuska “Show”, waxaa la joogaa waqtigii la soo nooleyn lahaa haybadda qarannimo ee dalkeenna iyo dadkeenna.

Waxaa iga gunaanad ah: mar haddii dalkeenna uu u gacan galay cadow shisheeye, baddiina aan gacan lagu hayn, hawadiina faraha ka baxaday, ma waxaa hadda ku fiirsan karnaa in ummaddeenni la xasuuqo maalinba maalinta ka dambaysa? Ha xusuusnaadeen qurbajoogta jagooyinka ka doonta dalka waxa ay ka yihiin dalalka ay baasaborradooda wata iyo sida loola dhaqmo, xitaa fursad uma heli karaan inay ka qaybgalaan tartanka jagooyinka mas’uuliyadeed, xilli kastana lagala noqon karo dhalashada dalakaas ee ogaadaa qof kasta dalkiisa ayuu wax ku yahay. Maxamed Siyaad Barre (Allaha u naxariisto), mar uu ka jawaabayey su’aal uu weydiiyey nin weriye  ajnabi kuna saabsaneyd xadaynta qaadashada baasaboorka wuxuu ku u nugul yihiin inay dhaqanrog baahsan ku dhaco. Haddaba, maxaynu ka dhaxalnay faafka dunida?

Mahadsanidiin
Ahmed Dhakal
e-mail: ahmed.dhakal@gmail.com
Twitter: @AhmedDhakal
Facebook: Ahmed Dhakal