Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Waare oo kulmaya xilli ay haysato 2 darran mid dooro

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle Axmed Cabdi Qoor Qoor iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta tegay magaalada Baydhaba oo ay kulan wada-tashi ah kula yeelan doonaan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Saddexda mas’uul ayaa ka hadli doona waxa ay ka yeeli doonaan casuumad uga timid Muqdisho oo ah inay kusoo biiraan shirka madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa shuruud ka dhigay in shirka Muqdisho ay kusoo biiraan Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Waare, si heshiis buuxa oo loo dhan yahay looga gaaro arrimaha doorashada, taasi oo madaxtooyada Soomaaliya ay aqbashay.

Sidoo kale, beesha caalamka ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii saddexda madaxweyne goboleed ee maqan ay u iman lahaayeen Muqdisho.

Qoor Qoor, Waare iyo Lafta-gareen ayaa waxaa haysta laba daran mid dooro, oo kala ah; inay Muqdisho yimaadaan oo ay aqbalaan in heshiiska Dhuusamareeb 3 uusan waxba ka jirin, iyo inay diidaan oo ay noqdaan caqabad cusub oo hortaagan sidii loo soo afjari lahaa khilaafka ka taagan arrimaha doorashada.

Saddexdan madaxweyne goboleed ee ku xiran dowladda Soomaaliya, ayaa haddii ay Muqdisho yimaadaan oo aqbalaan shuruudda Dnei iyo Axmed Madoobe u ekaan doona kuwa ay ka saameyn iyo miisan culus yihiin Deni iyo Axmed Madoobe, oo markii horeba galay heshiis ay ogyihiin inuusan melena gaari doonin.

Sidoo kale haddii ay diidaan waxay noqon doonaan caqabad cusub, waxaana wajihi doonaan cadaadiska beesha caalamka oo ay ka go’an tahay in heshiiska lagu gaaro Muqdisho.