QOOR QOOR oo baaq deg deg ah diray kadib laba arrin oo isugu biiray Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa soo saaray baaq deg deg ah oo la xiriira abaarta daran ee ku dhufatay dalka, gaar ahaan deegaano kamid ah maamulka.

Qoor-Qoor ayaa sidoo kale sheegay in dadka ku nool degmooyinka iyo degaannada Galmudug ay isugu darsameen Abaaro iyo Amni darro.

Waxaa uu sheegay in si gaar ah dadka ku nool degmooyinka Wisil iyo Baxdo ay heystaan dhibaatooyin ka dhashay Abaaraha iyo kuwo ay sababeen weerarada ay degmooyinkaas ku soo qaadaan dagaal-yahaanada Al-Shabaab.

“Hay’addaha waa inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ay abaartu ku saameeysay degmooyinka Baxdo iyo Wisil iyo weliba deegaanada hoostaga,” ayuu yiri madaxweyne Qoor-Qoor.

Madaxweynaha oo hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu soo dhaweynayay oo lagu qabtay degmada Wisil ee gobolka Mudug, ayaa sidoo kale waxa uu ku ammaanay shacabka iyo maamulka degmada oo kaashanaya ciidamada Daraawiishta Galmudug sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen kooxaha argagixisada.

Ugu dambeyntiina Madaxweynaha ayaa xusay in dhawaan golaha deegaanka ee degmada Wisil iyo degmooyinka kale ee Galmudug la dhisi doono, isagoona ugu baaqay ganacsatada Galmudug inay caawimaad deg deg ah lasoo gaaraan guud ahaan deegaanada Galmudug.