QOOR QOOR oo dibedda u safray xilli uu muran ka jiro heshiiskii Dhuusamareeb 3

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta u duulaya dalka Jabuuti, waxaana la sheegay in safarkiisa uu la xiriiro arrimaha dhismaha dekedda Hobyo.

Wararka la helayo waxey sheegayaan in Axmed Qoor-Qoor uu dowladda Jabuuti weydiisan doono sidii ay gacan uga geysan laheyd dhismaha Dekedda Hobyo.

Dowladda Qatar ayaa horay u ballan qaaday dhismaha dekedda Hobyo, balse wax war ah lagama haayo tan iyo markii ay ballanta qaadeen, waxaana jirtay iney mar booqdeen magaalada Hobyo.

Maamulka Galmudug waxey doonayaan iney iskood isku xilqaamaan dhismaha dekedda Hobyo, waxaana lagu qiimeeyay lacag dhan 90 Malyan oo Doolar.

Lacagaha lagu dhisayo waxaa la sheegay in laga arurin doono maamulka iyo dadka kasoo jeeda deegaanka.

Si kastaba safarka madaxweynaha Galmudug wuxuu kusoo aadayaa xilli ay Muqdisho ku shirayaan labada madaxweyne Puntland iyo Jubbaland oo dhinac ah iyo dowladda dhexe.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa qaadacay wixii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb wajigiisa saddexaad, mana aysan imaan fadhigii ugu dambeeyay.

Wararka qaar waxey sheegayaan in natiijo walba kasoo baxda shirka ay yeelanayaan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo dhinac ah iyo dowladda dhexe aan lagala tashan doonin saddexda maamul ee lagu xagliyo iney la safan yahiin Villa Soomaaliya oo ay ku jirto maamulka Galmudug oo uu hogaamiyo Axmed Qoor-Qoor.