Qoor Qoor oo 3 arrin kala hadlay safiirka Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Larry E. André oo ah safiirka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, kaas oo fadhigiisu yahay xerada Xalane.

Qoor Qoor ayaa saddex arrimood kala hadlay Larry E. André, kuwaas oo kala ah amniga  Galmudug, howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo taageerada dowladda Mareykanka.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug ayaa danjiraha iyo dowladdiisa uga mahadceliyay, sida ay mar weliba u garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan doorkooda dagaalka Shabaab.

Madaxweyne Qoor Qoor oo Muqdisho uga qayb-galay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lasoo gabagabeeyay ayaa haatan kulamo gaar gaar ah ka wada caasimada, wuxuuna shalay qaabilay danjiraha dalka Qatar ee Soomaaliya Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada-hadlay taageerada horumarineed ee ay dowladda Qatar ka wado deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Dhaq-dhaqaaqyadan uu wado Qoor Qoor ayaa kusoo aadayo, xilli la filayo in Galmudug ay ka billowdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Mareykanka ayaa qayb ka ah dagaalkaas, wuxuuna ciidanka Soomaaliya ka taageeraa dhanka hawada, isaga oo duqeymo culus la beegsada xoogaga Al-Shabaab.