QOOR QOOR oo shaaciyey ujeedka safarkiisa Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan cadde.

Wafdiga madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Qoor Qoor oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in socaalkaan uu yahay kii ugu horeeyay ee uu Muqdisho ku yimaado tan iyo doorashadiisa, islamarkaana u jeedka uu u yimid ay tahay howlihii nabada iyo horumarka uu ka waday deegaannada Galmdug.

Waxaa uu sheegay in inta uu ku sugan yahay Muqdisho uu kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda sare ee dowladda federaalka oo uu wada-tashiyo kala duwan la yeelan doono, inkasta oo uusan faah-faahin.

Socdaalka Qoor Qoor uu ku yimid magaalada Muqdisho waxaa uu kusoo aadayaa xilli xilka laga qaaday ra’iisul wasaarihii Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo kaalin weyn ku lahaa doorashadiisa, islamarkaana la rumeysan yahay inay aad isugu dhow yihiin.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa Qoor Qoor uu madaxweyne Farmaajo kala hadli lahaa isbadalka dhacay iyo in uusan saameyn ku yeelan shirka loo balansan yahay 15-ka Agoosto inuu dhex maro madaxda dowladda iyo madax goboleedyada.