Video: Wasiirka maaliyada oo la amray in wax qarash ah laga bixin karin qasnada DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii baarlamaanka codka kalsoonida kala noqday ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa amar adag uu kasoo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo oo amrayay in qasnada dowladda, gaar ahaan wasaaradda maaliyada lagala bixi karin wax lacag ah, amarkaasi oo uu fuliyay wasiirka maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Waxaa amarkaasi sidoo kale sii adkeeyay maanta sii-hayaha xilka ra’iisul wasaare Mahdi Maxamed Guuleed oo kormeer ku tegay xarunta wasaaradda maaliyada, kuna adkeeyay wasiir Beyle in wax qarash ah aan lagala bixi karin qasnada wasaaradda maaliyada ilaa amar danbe.

Mahdi Guuleed ayaa kulan wada jir ah la qaatay wasiirka maaliyadda, kuxigeenadiisa, agaasimayaasha iyo howlwadeenada wasaaradda maaliyada, isagoona ku wargeliyay amarka kasoo baxay madaxweynaha ee xayiraada qasnada dowladda.

Arrintaani ayaa u muuqata mid xafiiska madaxweynaha uu ugu hortegaayo in xafiiskii ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre uu ku colaadinaayo.

Dhaqan ahaan dowladdaha Somalia soo maray mar walba oo xukunka laga qaado ra’iisul wasaare ama guddoon baarlamaan iyo xiliyada kala guurka waxaa dhacda in xanibaad la saaro qasnadaha dowladda.