Maxaa ka jira in Internet-ka Soomaaliya loo jaray arrimo siyaasadeed dartood?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada ee xukuumadda Soomaaliya, Eng Cabdi Canshuur Xasan ayaa faah-faahin ka bixiyey adeega Internet-ka oo shalay gabi ahaan ka go’an magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn wasiirka ayaa beeniyey in dowladda Soomaaliya ay Internet-ka u jartay arrimo siyaasadeed, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya arrintaasi.

Wasiir Canshuur ayaa carabka ku dhuftay in cilad aan la fileyn ay ku timid fiilada Fiber Optic ee soo dhexmarta badda hoosteeda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan lagu howlan yahay in la ogaado ciladaasi iyo meesha ay ka dhacday, si loo farsameeyo.

“Waxaa si cad u sheegayaa waxa dhacay waa cilad farsamo, laakiin ma’ahan cilad siyaasadeed iyo howlo kale.”ayuu yiri wasiirka boostada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliyeed aysan dhibaato ku aheyn shacabkeeda, islamarkaana loo baahan yahay in aan la’iska eedeyn.

“Tecnolojiyada, aqoonta iyo waxyaabaha dhaqaalaha saameynaayo, marna dowladda ma siyaasadeyso.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirka.

Adeegga Internet-ka oo ay inta badan ku xiran yihiin dadka Soomaaliyeed ayaa maqnaashiyihiisa wuxuu saameeyey koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale jira khasaare badan oo ka dhashay, walow aan la shaacin karin inta uu la’egyahay.