Qoor Qoor oo tababar u furay ciidamo cusub + Sawirro

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta dufcaddii koowaad ee Booliska maamulkaasi tababar uga furay dugsiga tababarrada degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Qoor Qoor ayaa ugu horreyn dardaaran u jeediyey ciidamadaan cusub ee uu tababarka u furay, wuxuuna ku ammaanay go’aankooda ku aadan ku biirista Booliska Galmudug.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay saraakiisha tababarka siinaysa in ay u dhammeystiraan cutubyadan adeegyada ay u baahan yihiin si ay uga mid noqdaan ciidamada Booliska.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Booliska uu yahay ka warqabaha bulshada, ayna tahay inuu ilaaliyo amnigooda iyo sharafkooda.

“Ciidanka Booliska waa ciidnka si gaar ah uga warqaba waxyaaba Bulshada ay u baahantahay in gacanta lagu hayo amniga Bulshada, in la’ilaaliyo danta Bulshada, in la ilaaliyo maslaxadda Bulshada, waxa ay u baahantahay in la barto” sida uu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhanka kale  faray Macalimiinta tababarka bixineysa inay ku dadaalaan ciidamadaasi, ayna u dhammeystiraan shuruucda u degsan Booliska.

“Macalimiinta tababarka qeybihiisa kala duwan bixineysa, waxa aan rabnaa, in tababarka iyo barashada shuruucda Booliska si dhameestiran ciidankaan u qaataan” ayuu raaciyey.

Galmudug oo weli dagaal ay kula jirto Al-Shabaab ayaa haddane ku howlan dhismaha ciidamadeeda, si ay ugu filnaato amniga gobollada Galgaduud iyo Mudug.