QOOR QOOR oo war kasoo saaray deegaan muhiim ah oo laga xoreeyay Al-Shabaab

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa si weyn u bogaadiyay howl-galka ciidamada xooga dalka, kuwa daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ay gacanta cadowga uga xoreeyeen deegaanka Qaayib.

Howl-galka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxa ay ciidamadu ku qabsadeen deegaanka Qaayib oo hoostaga magaalada Cadaado, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

“Qaayib waa deegaan ay muddo dhib ku hayeen kooxaha argagaxisada ah, halkaas oo u aheyd maxkamad beeneed ay ku dhici jireen hantida dadka shacabka ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Qoor Qoor kusii dhiiri-geliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sida inay sii laba jibaaraan howl-galada lagu xoreynayo deegaanada Galmudug.

Galgaduud ayaa ka mid ah meelaha ay ka socdaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo ujeedka uu yahay in la gaaro degmada Ceelbuur ee gobolkaasi.

Inta badan gobolada dalka ayaa waxaa weli ka socda kacdoon shacab oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo deegaano horleh ay ku qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.