Ururada Somaliland oo la dul dhigay amarro culus (Aqriso)

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddida Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasada Somaliland ayaa awaamiir cusub dul dhigay ururada siyaasada, xili ay deegaanada Somaliland ka socdeen ololaha ay ururada uga soo gudbayaan ururnimada.

Guddiga oo isla maanta madaxda ururada Somaliland kulan kula qaatay magaalada Burco ayaa ku wargeliyay awaamiirtan cusub, kuwaasi oo guddiga ku sheegay in meesha looga saarayo carqaladaha soo wajahay hanaanka hubinta shuruudaha ururada.

“Waxaa la farayaa dhamaan ururada Siyaasada xubnaha ay doonayaan in madax ka tiriska loogu sameeyo ay ku urursadaan goob leh deyr, waxaana reeban in tirada lagu sameeyo goob furan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.

Sidoo kale waxa guddiga uu joojiyay nidaamkii kala horeynta ee hore u adeegsanayay guddigu, ayada oo hada kadib halmar la is-raacin doono goobaha masaafo ahaan isku dhow.

“Howsha tirinta waxay si toos ah u bilaabaneysa 9:00 subaxnimo, waxaana la faraya dhamaan ururada siyaasada inay diyaar ahaadaan saacada. Waqtiga tirinta waxa la joojinaya bixida iyo soo galida goobta la tirinayo.”

Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasada Somaliland ayaa sidoo kale waxay sheegeen in ururada siyaasada Somaliland midkiiba laga rabo kun qof gobolada Togdheer iyo Sanaag, halka gobolka Sool ay ku joojin doonaan 400 oo xubnood.

“Urur siyaasadeedka baalmara qoddobadaas waxay guddiga diiwaan-gelinta ururada u diiwaan-gelin doonta in uusan raacin nidaamkaas, sidaas darteedna suurta-gali mareyso in loo tiriyo dadweynaha uu haysto ee laga rabay.”