Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmo kadib markii la dhaqan geliyay xabbad-joojintii Gaza oo dagaalkii istaagay, kumannaan qof oo reer Gaza ah ayaa dib ugu soo laabtay xaafado badan oo ay horey uga barakaceen, kaddib ololihii duqaynta iyo weerarradii militari ee Israa’iil.
Gargaarka bani’aadamnimo ayaa si dhib leh u gaarayay shacabka, iyadoo goobaha quudinta ee ay maamulayeen hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahi ay ahaayeen isha kaliya ee dadku ku tiirsanaayeen. Waxaa sidoo kale jiray gargaar toos uga imaanayay shacabka waddamada Muslimka ah.
Soomaaliya, oo si xooggan uga hadashay xaaladda Gaza, ayaa shacabka Soomaaliyeedna door muuqda ka qaatay caawinta dadkaas, iyadoo halkaas laga furay jikooyin lagu quudiyo boqolaal qof maalin kasta, ka dib markii cunto yari ba’an ay halkaas ka dhalatay, sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay.
Gargaarka Soomaalida ee Gaza ayaa bilaabmay wax yar kaddib markii dagaalku qarxay, waxaana uu socday muddo 17 bilood ah. Culimo Soomaaliyeed oo isu xilqaamay ayaa shacabka gudaha iyo dibadda ku nool ugu baaqay in la ururiyo lacag dhan 5 milyan oo dollar, si loo sii wado taageerada dadka Gaza.
Qorshaha cusub ee Soomaaliya kadib heshiiska
Marka laga soo tago quudinta iyo caawinta cuntada, hadda waxaa socda qorshe cusub oo Soomaalida ay ku doonayaan inay kaga qayb qaataan dib u dhiska iyo nolosha dadka ku soo laabtay magaalada Gaza.
Sheekh Cabdixayi Sheekh Aadan Xasan oo ka mid ah culimada wada hoggaan ayaa la hadlay BBC, isagoo u sheegay in qorshahooda cusub uu diiradda saarayo sidii dadkaas loogu heli lahaa guryo, biyo nadiif ah, goobaha waxbarashada iyo masaajidyo.
“Haddii xabbadu istaagtay micnaheedu maaha in dhibaatooyinkii ay reebtay ay dhammaadeen. Dad badan ayaa wali guryahoodii ku burburay, kuwo kalena waa agoon. Waxaan hadda u gudbaynaa marxalad kale oo ah sidii dadkaas dib loogu taagi lahaa,” ayuu yiri Sheekh Cabdixayi.
Wuxuu intaa ku daray inay xiriir toos ah la leeyihiin dadka u joogay gudaha Qasa, isagoo sheegay in baahida ugu weyn ee hadda jirta ay tahay helidda hoy ku meel gaar ah.
“Dad badan waxay la’yihiin meel ay ka galaan qoraxda iyo qabowga, sidaas darteed waxaan qorsheynaynaa in la geeyo teendhooyin cusub,” ayuu raaciyay.
Sheekhu wuxuu sheegay in qorshayaashooda hadda ay ka mid yihiin laba arrimood oo waaweyn: in ceel biyood cusub loo qodo dadka Gaza, maadaama kuwii hore burbureen, iyo in la dhiso masaajid cusub oo magaca Soomaaliya wata.
Isagoo xusuusinaya sida ay bilowgii ku suurtagashay inay gargaarkoodu gaaro gudaha Gaza, ayuu sheegay inay Turkiga kula kulmeen hay’adda culimada Falastiin, taasoo fududeysay xiriirka iyo hirgelinta jikada quudinta Soomaalida.
Sheekh Cabdixayi ayaa xusay in kooxdii ay ku sugnayd gudaha Gaza ay la kulantay dhacdo naxdin leh bishan, kadib markii duqeyn lagu dilay 11 qof oo ka mid ahaa shaqaalihii xafiiska halkaas joogay, hase yeeshee koox kale ay sii wadeen howsha.
Mar la weydiiyay in ay qorsheynayaan booqasho rasmi ah oo Gaza ah, ayuu sheegay in marka xaaladdu degto oo socdaalka suurtagalo ay suuragal tahay in wafdi Soomaali ah loo diro halkaas.
Sidoo kale wuxuu xusay in sii wadidda howshan ay ku xirnaan doonto taageerada shacabka, balse uu rajo weyn ka qabo in dadka Soomaaliyeed ay weli u heellan yihiin inay qeyb ka noqdaan gurmadka Gaza.