27.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 15, 2026

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kenya uga qeyb-galay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb-galay tacsida Raiisul Wasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Kenya, Raila Amolo Odinga.

Madaxweyne Xasan waxaa wehliyay mas’uuliyiin uu kamid yahay Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kenya iyo xubno katirsan La-taliyeyaashiisa, waxaana uu ka safray magaalada Muqdisho isaga oo gaaray goobta aaska loogu sameynayo Raila Odinga.

Madaxweynaha ayaa uga tacsiyadeeyay shacabka iyo dowladda Kenya geeridii ku timid Raila Odinga oo ahaa siyaasi door muuqda ku lahaa dowladnimada iyo siyaasadda dalka Kenya.

Mas’uuliyiin kale oo dalalka dhaca qaaradda Afrika ayaa ka qayb-galay sida Madaxweynihii hore Tanzania Jakaya Kikwete, Madaxweynaha Ethiopia Taye Selassie, Rwanda iyo dalal kale, waxa ay saxiixeen buugga tacsida, gunaanadka ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxweyne William Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo madaxda Kenya, kuwaas oo ka wada-hadli doonaan xiisadda siyaasadeed ee Jubaland oo ay saameyn ku leeyihiin dowladdaha Kenya iyo Itoobiya.

Raila Odinga oo muddo dheer ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu saameynta badan Kenya, ayaa Arbacadii ku geeriyooday dalka Hindiya.

Meydkiisa ayaa Khamiistii subaxnimo la keenay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Nairobi, halkaas oo mas’uuliyiin iyo kumannaan qof ay isugu tageen, taasoo keentay in duulimaadyadii halkaas ka baxayay si ku-meel-gaar ah loo joojiyo.

Odinga oo 80 sano jir ahaa ayaa muddo dheer hoggaaminayay mucaaradka Kenya waxaana dhowr jeer oo uu galay doorashada dalkaas looga adkaaday, gaar ahaan tartamadii ay isku wajaheen madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo William Ruto oo hadda jooga.

Hoggaamiyahan ayaa waqtigiisa ugu badan ku qaatay isaga oo mucaarad ah, kadib markii uu guuldareystay 5 olole oo Madaxweyne, tan ugu dambeysayna ay ahayd 3 sano ka hor.

Sidoo kale, Raila Odinga ayaa dhawaan u tartamay xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, waxaase uga guuleystay Maxamuud Cali Yuusuf oo ka socday dalka Jabuuti.

Odinga wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii Kenya (2008–2013) iyo hogaamiyaha xisbiga ODM, sidoo kale wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta Kenya, gaar ahaan heshiiskii 2018 ee uu la galay Uhuru Kenyatta.

Wuxuu Raila Amolo Odinga wuxuu ifka kaga tagay xaas iyo saddex caruur ah. Geeridiisa ayaa si weyn u gilgishay gudaha dalka Kenya, warbaahinta iyo baraha bulshada, maadaama uu ahaa rug-cadaa siyaasadeed oo muddo dheer kusoo dhex jiray siyaasadda.

Hoos ka daawo

- Advertisement -

Read more

Local News