28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Dr Maryan Qaasim oo shaacisay inay u taagan tahay qabashada xil muhiim ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Maryan Qaasim ayaa shaacisay inay u taagan tahay tartanka kursiga Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Guddigan oo toddobaadkan codka kalsoonida ka helay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa durba loogu jiraa olole lagu doonayo qabashada hoggaankiisa.

Maryan ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook ku sheegtay in, kadib la-tashiyo badan oo ay sameysay, ay go’aan ku gaartay inay u tartanto qabashada xilka Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa aqoonteeda iyo khibraddeeda shaqo.

“Mahad oo dhan Allah bay u sugnaatay. Kadib Salaatul Istikhaaro oo aan Allah ku waydiistay inuu khayrka i waafajiyo, iyo la-tashiyo badan oo aan sameeyay, waxaan go’aansaday inaan isu taago qabashada xilka Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka,” ayey tiri Dr. Maryan Qaasim.

Waxay intaas ku dartay: “Waxaan idinka codsanayaa inaad ducada igu kaalmeeysaan. Walaalaha sharafta badan ee xubnaha guddigana waxaan ka codsanayaa inay codkooda iigu deeqaan.”

Maryan ayaa horey usoo noqotay Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, waxayna haatan billowday ololaha ay ku doonayso hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka, oo dhawaan si rasmi ah loo meel mariyay.

Kursigan ayaa sidoo kale waxaa u taagan qabashadiisa Farxaan Maxamed Jimcaale, oo si weyn ugu dhow Ra’iisul Wasaare Xamza, ahna Afhayeenka Xukuumadda. Farxaan ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ugu adeego Guddiga Xuquuqul Insaanka si daacadnimo, madax-bannaani, wada-shaqeyn iyo ixtiraam ku dhisan.

“In ka badan 30 sano, waxaan ka shaqeynayay Hawlaha Bani’aadannimada, Xuquuqda Aadanaha, Warbaahinta iyo Xoojinta Dowlad-wanaagga — anigoo codkayga, qalinkayga iyo goob walba u adeegsanayay difaacidda dadka nugul iyo kuwa aan codkooda la maqlin,” ayuu yiri Farxaan Jimcaale.

Waxa uu intaas kusii daray “Maantana, waxaan diyaar u ahay inaan ugu adeego Guddiga Xuquuqul Insaanka si daacadnimo, madax-bannaani, wada-shaqeyn, ixtiraam iyo naxariis ku dhisan.”

Si kastaba, Guddigan ayey Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya horgeysay Baarlamaanka 11-kii bishan October, waxaana lagu ansixiyay cod aqlabiyad leh.

Dhismaha guddigan ayey Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ku tilmaantay guul taariikhi ah oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, kaasi oo waqti badan ay gelisay xukuumadda.

- Advertisement -

Read more

Local News