28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

DF oo shaacisay jadwalka iyo shuruudaha xajka oo isbeddello lagu sameeyay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay qorshaha iyo jadwalka howlaha Xajka ee sanadka 1447/2026.

Wasaaradda oo gudaneysa waajibaadkeeda qaran, kana duuleysa qorshe howleedka arrimaha xajka ay u dejisey Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa waxay ku dhawaaqday in la bilaabay hirgelinta iyo fulinta jadwalka shaqo ee arrimaha xajka.

Wasaaradda ayaa fartay in dhammaan xujeyda ay si deg-deg ah u bixiyaan lacagta lagu xajinayo ugu dambeyn 20-ka November 2025, taasoo dhan $ 4,543.5.

“Shirkadaha adeega xajka waa inay qiimeyn hordhac ah ku sameeyaan xaaladda guud ee badqabka caafimaad ee xaajiga/xaajiyada, maskax ahaan, jir ahaan iyo muuqaal ahaanba,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya.

“Dhamaan xamladaha iyo Shirkadaha adeegga xajka waa inay ku wacyigeliyaan xujeyda Soomaaliyeed inaan laga dhoofi karin, garoon aan ahayn garoomada diyaaradeed ee ay wasaaradda u asteeysey inay ka dhoofaan xujeyda Soomaaliyeed, kuwaasoo kala ah Muqdisho, Hargeysa, Garoowe iyo Boosaaso,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Shirkadaha bixiya adeegyada xajka ayaa lagu wargeliyay in la marsiin doono nidaam rasmi ah oo wasaaraddu sameysatay, si looga hortago wax isdabamarin ah. “Waa in dhamaan xujeyda Soomaaliyeed ay si deg-deg ah isaga diiwaan-geliyaan, isla markaana ay baasaboorada geeyaan xafiisyada shirkadaha adeegga xajka ee ay ruqsadda siisey Wasaaradda Awqaafta.”

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gudaneysa waajibaadkeeda Qaran, kana duuleysa qorshe howleedka arrimaha xajka ay u dejisey Dowladda Sacuudi Carabiya, waxay la socodsiinayaa dhammaan xujeyda Soomaaliyeed ee dooneysa inay soo gutaan rukniga xajka sanadka 1447H/2026 in la bilaabey hirgelinta iyo fulinta jadwalka shaqo ee arrimaha xajka.

Hadaba, ayadoo laga fogaanayo dib u dhac ku yimaada diyaarinta adeegyada kala duwan ee xujeyda Soomaaliyeed ay u baahan yihiin, waxey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qorsheysey fulinta iyo la kulanka jadwalka qorshe howleedka arrimaha xajka ay u dejisey Dowladda Sacuudi Carabiya.

Sidaas daraadeed, kulamo iyo wadatashiyo ay yeesheen dhamaan dhinacyada ay khuseyso diyaarinta iyo horumarinta howlaha xajka sanadka 1447/2026 kadib, waxey Wasaaradda Awaaafta iyo Arrimaha Islaamka soo saartey war saxaafadeed ka kooban 6 qodob oo kala ah:

1. In dhamaan xujeyda Soomaaliyeed eesanadka 1447/2026 ee dooneysa inay soo gutaan waajibaadka xajka ay si deg deg ah isaga diiwaan geliyaan, islamarkaana ay baasaboorada geeyaan xafiisyada shirkadaha adeegga xajka ee ay ruqsadda siisey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

2. In dhammaan xujeyda ay si deg deg ah u bixiyaan lacagta lagu xajinayo sanadka 1447/2026 ee ay horey u shaacisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, ugu dambeyn 20-ka November 2025, taasoo ah lacag dhan $ 4,543.5 (afar kun shan boqol afartan iyo seddex iyo bar dollar oo keliya)

3. In Shirkadaha adeega Xajka ay qiimeyn hordhac ah ku sameeyaan xaaladda guud ee badqabka caafimaad ee xaajiga/xaajiyada, maskax ahaan, jir ahaan iyo muuqaal ahaanba.

4.In Shirkadaha adeegga Xajka ay xaajiga/xaajiyada Soomaaliyeed la galaan heshiis shaqo oo ay ku cad yihiin waajibaadka laga rabo shirkadda iyo xuquuqda Xaajiga leeyahay, si waafaqsan heshiiska shaqo ee ay shirkaduhu kula jiraan Wasaaradda.

5. In Shirkadaha loo egmadey bixnta adeega xajka ay xogta xaajiga/xaajiyada oo dhameystiran kusoo diraan SYSTEM – ka Wasaaradda ee la siiyey user-adiisa.

6. In dhamaan xamladaha iyo Shirkadaha adeegga xajka ay ku wacyigeliyaan xujeyda Soomaaliyeed inaan laga dhoofi karin, garoon aan ahayn garoomada diyaaradeed ee ay Wasaaradda u asteeysey inay ka dhoofaan xujeyda Soomaaliyeed, kuwaasoo kala ah Muqdisho, Hargeysa, Garoowe iyo Boosaaso.

Digniin: Dhamaan shirkadaha bxiya adeegga xajka, waxaa looga digayaa inay qaadaan wax ka badan qiimaha xajka ay u jaangoysey Wasaaardda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka sanadka 1447/2026.

Sidoo kale, dhamaan Xujeyda Soomaaliyeed, waxaa looga digayaa in aysan adeegga xajka kala macaamilin shaqsiyaad ama shirkaddo aan ruqsad ka heysan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, waxaana keliya lagala macaamaili karaa arrimaha xajka 71-ka shirkadood ee loo igmadey ee liiskooda shaacisay wasaaradda.

- Advertisement -

Read more

Local News