28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Muxuu yahay shirka ay Soomaaliya guddoomisay ee maanta ka qabsoomay Mareykanka?

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige ayaa maanta guddoomiyay kulanka 26-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, kaas oo ka dhacay magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka.

Shirka uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa qabsoomay xilli magaalada Washington DC uu ka socdo shirka sanadlaha ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka.

Kulanka ayaa lagu lafa-guray xoojinta iskaashiga dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan dhinacyada horumarinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada, kobcinta isdhexgalka dhaqaale iyo taageeridda mashaariicda maalgelinta ee leh mudnaanta gaarka ah.

Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa furitaanka kulanka ka jeediyay khudbad kooban, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalalka Geeska Afrika ay si wadajir ah uga shaqeeyaan mashaariicda kobcinta dhaqaalaha iyo in si dhow loo tixgeliyo qorshayaasha u baahan maalgelin wadajir ah.

Shirka uu maanta guddoomiyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo dowladdu ay bilihii la soo dhaafay si muuqata uga qeybgalaysay shirarka iyo madalaha heer caalami, taasoo muujinaysa doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah.

Dhawaan, Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo warbixin dhammeystiran kasoo saartay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, ayaa qirtay in Dowladda Federaalka ay ku tallaabsatay isbeddelo wax ku ool ah

IMF ayaa ku amaantay dadaalka dowladda Soomaaliya ee horumarinta ilaha dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta hannaanka maamulka maaliyadda dalka, oo ay ugu muhiimsan yihiin sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo hagaajinta shuruucda maaliyadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale si wayn loogu bogaadiyay in ay ka go’an tahay sii wadidda arrimaha dib-u-habeynta maaliyadda, xoojinta xeerarka maamulka canshuuraha iyo iibka Qaranka oo muhiim u ah sare u qaadidda dakhliga dalka.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay sameyneysay kobac dhaqaale oo wayn, waxaana isbeddellada dhacay ay horseedeen in lagu guuleystay barnaamijkii dayn cafinta dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News