27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Qorshaha DF ee dhismaha iyo hubeynta ciidamada Awdal

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boorama (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay damacsan tahay inay qaaddo tallaabooyin aargoosi ah oo ka dhan ah aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyadoo qorshuhu yahay in la taageero maleeshiyaad hubeysan oo maxalli ah. qarxa Geeska Afrika.

Laba sarkaal oo sare oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa u sheegay shabakadda Drop Site in xukuumadda Muqdisho ay hiigsaneyso inay hubeyso, islamarkaana ka faa’iideysato tabashooyinka beelaha gobolka Awdal si qalqal amni loo geliyo maamulka Hargeysa.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in qorshahan uu jawaab u yahay go’aankii uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ku dhawaaqay 26-kii December, kaasi oo uu si rasmi ah ugu aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, tallaabadaas oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tilmaamay “xad-gudub sharci darro ah” iyo “gardarro qaawan.”

Sida ay xaqiijinayaan xogaha sirdoonka, dowladda federaalka ayaa dooneysa inay awood siiso beelaha dega gobolka istiraatiijiga ah ee Awdal—oo ku yaalla afaafka hore ee Badda Cas—kuwaas oo muddo dheer diiddanaa gooni-u-goosadka Somaliland.

“Beelaha Awdal waa udub-dhexaadka fashilinta qorshaha Israa’iil ee Somaliland. Gobolka Awdal wuxuu dul-saaran yahay marinka muhiimka ah ee Baab Al-Mandab,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan NISA oo diiday in magaciisa la xuso. Wuxuuna intaa raaciyay, “Waxa kaliya ee ay u baahan yihiin waa taageero siyaasadeed iyo hub.”

Xiisadda dhulka ayaa durba u muuqata mid sii kaceysa. 21-kii bishan Janaayo, milatariga Somaliland ayaa shaaciyay inay dileen laba nin oo hubeysan gobolka Awdal, halka xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ay dhowaan ku dhawaaqeen maamul la magac-baxay “Guban State”, kaasi oo si toos ah u loollamaya awoodda maamulka Hargeysa.

Somaliland oo horay u ahayd maxmiyaddii Ingiriiska, ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii, balse ma aysan helin aqoonsi caalami ah ilaa tallaabada Israa’iil ay soo ifbaxday.

Falanqeeyayaasha arrimaha gobolka ayaa aaminsan in Tel Aviv ay Somaliland u aragto hanti istiraatiiji ah oo ay u adeegsan karto ballaarinta awooddeeda Badda Cas iyo la socodka dhaqdhaqaaqa kooxda Xuutiyiinta ee Yemen.

“Joogitaanka Israa’iil ee Somaliland wuxuu si weyn u soo gaabinayaa mas’aafada juquraafiga ah,” ayuu yiri Jethro Norman, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Daraasaadka Caalamiga ah ee Danish-ka, isagoo xusay in Israa’iil ay dhulkan u adeegsan karto howlaha sirdoonka iyo saadka ciidamada.

Qalalaasahan diblumaasiyadeed ayaa kala qeybiyay quwadaha gobolka. Dowladda Jabuuti, oo xiriir qabiil la leh bulshada Awdal, ayaa xiriirka u jartay Somaliland iyadoo la safatay Muqdisho. Dhinaca kale, Imaaraadka Carabta ayaa weli ah taageeraha ugu weyn ee Somaliland, arrintaas oo sababtay in dowladda Soomaaliya ay dhowaan dalkeeda ka saarto ciidamo Imaaraati ah.

Khubarada amniga ayaa ka digaya in xiisaddan ay fursad dahabi ah siin karto kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab. Inkastoo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida aysan weeraro waaweyn ka geysan Somaliland tan iyo 2008-dii, haddana dadka indha-indheeya arrimaha gobolka waxay ka cabsi qabaan in joogitaanka milatariga Israa’iil uu xagjireyn karo bulshada deegaanka, taasoo gobolka nabdoon u beddeli karta “aag colaadeed.”

“Soomaaliya iyo dalalka deriska ah… waxay ka walwalsan yihiin in xaaladda waqooyiga dalka ay wajihi doonto dhaqdhaqaaqyo milatari oo kordha,” ayuu yiri Xasan M. Saciid Samatar, oo ah sarkaal hore uga tirsanaa gaashaandhigga Soomaaliya. 

- Advertisement -

Read more

Local News