Qorshaha DF ee maxaabiista dagaalka Somaliland marka Xamza tago Laascaanood

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo hordhac ah oo si weyn loo qarinayey, balse ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii xabsiyada Laascaanood looga sii deyn lahaa maxaabiista dagaalka ee kasoo jeeda Somaliland, kuwaasoo ku jira nolol hubanti la’aan ah.

Wadahadallo badan ayay dowladda federaalka Soomaaliya arrintan kala yeelatay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, waxaana hoosta laga xariiqay in aanay suurtagal ahayn in dad Soomaaliyeed, iyagoo maxaabiis dagaal ah, lagu hayo gudaha Jamhuuriyadda.

Inkastoo diidmo badan ay muujisay SSC — oo maxaabiis dagaal uga xiran yihiin gudaha Somaliland — isla markaana ay gorgortan adag kala hortagtay arrintan, haddana waxaa la sheegaya in lagu qanciyey in maxaabiistan laga sii daayo xabsiga.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya in ay suurtagal tahay in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu Laascaanood ka sii daayo maxaabiistii dagaalka ee ay SSC-Khaatumo ku qabsatay dagaalkii ay la galeen Somaliland, sida ay u sheegeen Caasimada Online ilo xog ogaal ah.

Ku dhowaad 300 oo maxaabiis dagaal ah — oo ay ku jiraan saraakiil sare — ayaa ku xiran magaalada Laascaanood. Waxaa la rumeysan yahay in go’aan laga gaaray sii deyntooda kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu qorsheeyey inuu booqdo magaalada.

Faysal Cabdi Bootaan, oo ahaa sarkaalkii ugu sareeyey ciidamada Somaliland ee ka dagaalamayey aagga Laascaanood ilaa saldhiggii Goojacadde ee lagu jebiyey, ayaa ka mid ah maxaabiista dagaalka ee ku xiran Laascaanood.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu wadaa inuu booqdo Laascaanood Jimcaha ama Sabtida. Maanta ayaa halkaas laga dejiyey ilaaladiisa gaarka ah iyo xubno ka tirsan xafiiskiisa.

Sidoo kale, berri waxaa halkaas tegi doona mas’uuliyiin, weriyeyaal ay dowladda soo xulatay, iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay Laascaanood. Waxaa halkaas ka socda qabanqaabada soo dhaweynta wafdiga dowladda federaalka, halka Somaliland ay waddo hanjabaad iyo isku dayo gudaha iyo dibaddaba ah oo lagu hor istaagayo safarka ra’iisul wasaaraha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dadaal ugu jirtaa in laga sii daayo maxaabiista Somaliland ee ku xiran Laascaanood, halka madaxda Hargeysa ay wadaan olole ay ku diiddan yihiin in Xamse Cabdi Barre booqdo magaalada. Dhankooda, dadka reer Laascaanood oo ka adkaaday Somaliland ayaa dhistay maamulka SSC-Khaatumo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka, ayaa ka hadlay socdaalka la filayo in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tago Laascaanood, isagoo sheegay inay arrintan kala hadleen dowladda Mareykanka, kuna dacweeyeen si “looga hor istaago tagitaankiisa Laascaanood.”

Wasiirka oo ka hadlayay madal lagu qabtay barta X-Space ayaa caddeeyey sida ay uga soo horjeedaan socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, isagoo sheegay inuu sababi karo dhibaato iyo xasillooni darro ku timaada gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali, oo wareysi siiyey BBC, ayaa sheegay in “Laascaanood ay tahay dhulka Somaliland,” isaga oo safarka Ra’iisul Wasaaraha ku tilmaamay mid daandaansi iyo xasarad abuur ah.

“Somaliland waxaa ka go’an inay difaacato xuduudaheeda, dalkeeda iyo dadkeedaba — wax kasta oo ay ku qaadato. Tani waa colaad. Waxaan u aragnaa xadgudub, jawaab uu fahmi karo waan ka bixinaynaa,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin.