Qorshe ka kooban 4 weji oo ku saabsan Somalia oo loo gudbiyey Golaha Ammaanka

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa Golaha Ammaanka usoo jeediyey in tirada shaqaalaha nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya lagu hayo heerka ay hadda yihiin illaa dhammaadka sanadkan, sida ku cad warqad ay heshay wakaaladda wararka AFP.

Shaqaalaha AMISOM ayaa ka kooban 20,000 oo askari, boolis iyo rayid, kuwaas oo taagera dowladda aan tabarta laheyn ee Soomaaliya ee dagaalka kula jirta argagixisada. 

Muddo xileedka AMISOM ayaa ku eg 31-ka Maarso, hase yeeshee Golaha Ammaanka ayaa la filayaa inuu 30-ka Maarso u codeeyo howlgal cusub oo lagu magacaabo ATMIS.

Warqaddiisa oo Golaha Ammaanka loo gudbiyey Isniintii, ayaa Guterres wuxuu ku sheegay inuu doorbidayo qorshe ka kooban afar weji oo si tartiib tartiib ah loogu yareeyo shaqaalaha ATMIS, “si loogu ogolaado looguna taageero ciidamada ammaanka Soomaaliya inay qaataan mas’uuliyadda koowaad ee amniga Soomaaliya dhammaadka 2023,” ayada oo dhammaan militariga ajaaniibta ah ay ka baxayaan Soomaaliya 2024.

Madaxa QM ayaa intaas ku daray in qorshihiisa uu dhigayo in yareynta ugu horeysa ee lagu sameynayo ciidamada ATMIS oo ah dhimisti 2,000 askari aysan dhici doonin illaa dhammaadka December 2022, ayada kadibna tirooyin kale laga dhimayo wejiyada kale.

“Waa muhiim in tirada heerka ciidamada la joogteeyo illaa dhamaadka wejiga koowaad si loo xaqiijiyo in guulihii la gaaray la joogteeyo, loono ogolaado isbeddelka howlgalka ayada oo aan la waxyeeleyn xaaladda ammaan ee iminka,” ayuu yiri Guterres.

Inkasta oo AMISOM ay qeyb ahaan maal-geliyaan QM iyo Midowga Yurub, haddana warqadda Guterres ma shaacin cidda maal-gelin doonta howgalka ATMIS.

“Waxaan ka codsanayaa beesha caalamka inay sii wadaan taageeradooda ayaga oo kheyraad ku filan siinaya ATMIS iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya,” ayuu yiri xogyahaha guud ee QM.