Jubaland oo jawaab culus ka bixisay tallaabadii uu qaaday maamulka gobolka Gedo

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha amniga dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo la hadlay warbaahinta ayaa jawaab ka bixiyey tallaabadii uu qaaday maamulka gobolka Gedo oo ka horyimid safarka guddiga qiimeynta ee uu ra’iisul wasaaraha u xil-saaray doorashada ka dhaceyso Garbahaarey.

Maxamed Cabdi Kaliil ayaa shaaca in gaadiid dagaal iyo ciidamo la geeyay garoonka diyaaradaha ee Garbahaareey,  si looga hortagga socdaalka guddiga, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga maamulka Jubbaland ayaa xusay in la doonayo in Jubbaland la geliyo colaad iyo qalalaase, si loo boobo kuraasta taalla halkaasi.

“Garoonkii waxaa la galshay gaadiidka tegniko ah. Xitaa waxaa la diiday in diyaaradaha rayidka ah ay kasoo dagaan garoonka,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Kaliil.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday dibad-baxii shalay ka dhacay Garbahaarey, kaas oo looga horjeeday imaashaha guddiga qiimeynta ee uu horkayaco Abuukaate Cumar Dhagey.

“Shacabkii oo afduuban baa la bannaan bixiyay. Sharciyadii dalka gacantaa lagu qaatay. Midaasna ma ahan wax shaqeynaya,” ayuu sii raaciyey Mr Kaliil.

Ugu dambeyn wuxuu ku eedeeyey dhibaatooyinkaasi ay ka dambeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayna kasoo horjeedo fulinta heshiiskii laga gaaray doorashooyinka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo meel sare ay gaartay xiisadda gobolka Gedo oo salka ku heyso maamulka doorashada 16-ka kursi ee yaalla degmada Garbahaarey oo ay haatan si weyn isugu hayaan Jubbaland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.