Video: Xashiish iyo Tramadol ayuu isticmaalay kaddib waa waashay, wuuna is dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka soconaya dagaal xoogan oo lagula jiro maan-dooriyaha noocyadiisa kala duwan oo dhibaato weyn ku haya bulshada qaybaheeda kala duwan.

Sheekadan oo aad u xanuun badan, isla-markaana murugo xambaarsan ayaa waxaa ku eegi doonaa nolosha wiil sideed jir ah oo ku jira xarunta Maamo Ugaaso oo ku taalla gudaha magaalada Muqdisho.

Sideed jirkan oo wareysi la yaab-leh bixiyey ayaa sheegay inuu isticmaali jiray balwad nooc kasta oo ay tahay, ka hor inta aan laga soo dhex qaban magaalada.

“Waxaan isticmaali jiray Xashiish, Qamri, Sigaar, Koolo iyo Tramadol,” ayuu wareysiga ku yiri wiilka yar ee sideed jirka ah.

Intii uu bixinayey wareysiga wuxuu ku sheegay inay jiraan labo wiil oo isaga la dhalatay, isla-markaana isticmaalayey maan-dooriyaha, balse mid ka mida uu geeriyooday.

Waxa uu sheegay in wiilka geeriyooday uu ka weynaa, balse uu isku dhex dal-dalay guriga, kadib markii uu ku waashay isticmaalka maan-dooriyaha.

“Xashiiska mirihiisa, Tramadol iyo Bulji ayuu cabaayey waa is marjiyey waa waashtay guriga dhexdiisa xarig ayuu kor ku xirtay,” ayuu yiri.

Hadda sideed jirkan oo dhowr jeer ka baxsaday xarunta lagu xanaaneeyo ayaa waxaa isbedashay noloshiisa, wuxuuna sheegay inuu sii wadan doono waxbarashada loo bilaabay.

“Waa iska dhaafaa wixii hore, waana joogaa,” ayuu gabagabadii ku yiri wareysiga laga qaaday wiilka yar.

Halkan hoose ka daawo:-