QORSHE la rabay in lagu khaarajiyo Maxamed Bin Salmaan oo la fashiliyey

Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiag Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in unug argagixiso oo qorsheeyey inay isaga khaarijiyaan lagu xiray waqooyiga jasiirad u yaalka Siinaay ee dalka Masar.

Wargeyska Jerusalem Post ayaa qoray in Maxamed Bin Salmaan uu xogtan shaaca ka qaaday markii uu la kulmay koox haysata madhabta Evangelical ee Kirishtanka oo magaalada Riyadh booqday kowdii November, ayaga oo ka tegay Mareykanka.

Bin Salmaan ayaa sheegay in unugan ay ku jireen dad u dhashay Sacuudiga.

“Cadowgeyga waxay qorsheynayaan inay i khaarijiyaan” ayuu Bin Salmaan u sheegay wafdiga Mareykanka, sida laga soo xigtay ,adaxa waftiga Mareykanka Joel Rosenberg, oo ah Israeli-Mareykan, kaasi oo horey ula shaqeeyay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Ilaa iyo hadda wax faahfaahin buuxda ah lagama bixin kooxda uu Maxamed Bin Salmaan sheegay inay doonayeen inay dilaan, balse sida laga soo xigtay Rosenberg, waxa uu cadowgiisa ku sheegay madaxweyne Erdogan, Iraaniyiinta iyo Ruushka.

Rosenberg ayaa dhinaca kale sheegay in Bin Salmaan uu u sheegay in dilkii suxufi Jamaal Khaashuqji uu ahaa qalad, islamarkaana la ciqaabi doono dadkii fuliyey.

Caasimada Online
Xafiiska Jedaah
Caasimada@live.com