Wararkii ugu dambeeyay dib u dhaca doorashada K/Galbeed & shirar dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in shirar kala duwan kadib dib loo dhigay doorashada Koofur Galbeed oo la filayay in 17 bishaan ay ka dhacdo magaalada Baydhabo.

Qaar kamid ah xubnaha guddiga doorashada Koofur Galbeed ayaa sheegay in muddo 10 maalin ah ay ku darsadeen guddiga si loo dhameystiro dhamaan shaqooyinka ka harsan doorashada Koofur Galbeed.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ujeedada ugu weyn ee waqtigaasi loogu daray doorashada ayaa ah in lasoo dhameystiro xubnihii dhawaan iska casilay xubinimada guddiga doorashada.

Sidoo kale waxaa la filayaa in dhamaan xildhibaanada baarlamaanka ay dib ugu laabtaan magaalada Baydhabo si ay u dhageystaan khudbadaha musharixiinta Koofur Galbeed, iyadoo ay ka horeyso diiwaan gelinta dhamaan musharixiinta Koofur Galbeed.

Maanta ayaa la filayaa in xubnaha guddiga doorashada ay ku dhawaaqaan muddo kordhinta 10-ka maalin ah, waxaana arinta ay ka dambeysay kadib kulan saacado qaatay oo dhex maray sii haya xilka guddoomiyaha baarlamaanka iyo xubnaha ka haray guddiga doorashada.

Xaaladda siyaasadeed ee doorashada Koofur Galbeed ayaa isbadashay waxii ka dambeeyay markii uu iscasilay Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com