Beyle oo laga rabo ‘lacagti ku baxday xildhibaanada iyo tii Sacuudi laga keenay’

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Dowladda Soomaaliya ayaa Su’aalo adag weydiiyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa weydiiyay wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Sababaha keenay in wasaarado muhiim ah laga jaro dhaqaalo badan kuwo kalana lagu siyaadiyo, waxaana uu Tusaale usoo qaatay wasaaradaha Gaashaandhiga, Caafimaadka iyo Dastuurka oo laga jaray ku dhawaan 4 Milyan oo doolar.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sidoo kale Su’aal Muhiim aheyd weydiiyay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya taasi oo ku saabsan halka la marsiiyay 50 Milyan oo doolar oo Sacuudiga ugu deeqay Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayuu sheegay inay horey qoraal ahaan u weydiiyay halka dhaqaalahaasi la geeyay, uuna kusoo jawaabay in 30 Milyan lagu daray Miisaaniyadii Sanadkii 2017, 20 ka Hartayna ay ku jirto Banka Dhexe ee dalka, balse hadda lacagta uu baarlamaanka u gudbiyay inay ku cadahay in 10 Milyan lagu daray Miisaaniyadda 2018, 10 Ka kalana ay maqan tahay.

Hadalkaasina uu yahay mid is Khilaafaya, maadaama uu horey u sheegay wasiirka in 20 Milyan Bangiga Dhexe ee dalka ku jirto, haddana uu sheegayo in 10 Milyan wali aan Sacuudiga laga helin, waxaana xildhibaanka uu sheegay in loo baahan in la cadeeyo halka ay wax ka qaldan yihiin.

Ugu dambeyn Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa sheegay in loo baahan yahay in la cadeeyo halka laga keenay dhaqaalaha badan ee loo qeybiyay xildhibaanada baarlamaanka Koofur Galbeed oo muddo lagu hayo magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo ka hadlayay Kulanka Baarlamaanka ayaa sheegay in loo baahan in waqti badan la siiyo hagaajinta hanaanka maaliyadda, islamarkaana horey xildhibaanada aysan ka ansixin sharciyadda loo keeno.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com