Amiir loo maxkamadeynayo inuu ka baxay heshiis $33 milyan ah oo uu kula kulmi lahaa xidigaha Bollywood

Manama (Caasimada Online) – Xubin ka tirsan qoyska boqortooyada Baxreyn ayaa dacwad looga gudbiyey inuu bixin waayey $33 million; lacag lagu sheegay in ay ahayd heshiis lala galay ganacsade reer Masar ah, si uu ugu diyaariyo kulammo uu la yeesho jilaayaasha filimada hindiga ee loo yaqaan Bollywood.

Sheikh Hamad Isa Ali Al Khalifa, oo ah ina adeerka boqorka Baxteyn ahna mid aad u xiiseeya filimada Bollywood-ka ayaa lagu eedeeyey in uu dib uga gurtay heshiis uu la galay ganacsade si uu ula kulansiiyo 26 jilaayaal Bollywood ah, sidaas waxaa qortay jariiradda Financial Times.

Waxaa la sheegay in Al Khalifi uu ogolaaday in uu ku bixiyo kulan walba uu la qaato jilaa $1.5 million iyada oo uu ku darayo $500,000 oo gunno ah kulan walba oo saddexaad.

Ganacsadaha reer Masar, Ahmed Adel Abdallah Ahmed waxa uu sheegay in uu heshiis 26 Jilaa oo uu magacyadooda Khalifa hayey la galay, sida laga soo xiganayo gal dacwadeed loo gudbiyey Maxkamadda Sare  ee London, labada shaqsi waxa ay galeen heshiis laakiin Ahmed waxa uu sheegay in uu $3 million ka helay, $33-kii million loo ballan qaaday.

Al Khalifa waxa uu yiri: “Aad ayaan uga niyad jabsannahay in qof aan saaxiib mooday uu sheegashadan la yimaado. Waan aaminay markii uu Ahmed igu yiri waxaan ku barayaa Jilaayaasha Bollywood-ka ee aan ku daydo. Wixii intaa ka dambeeyey Ahmed waxa uu iga raadiyey lacag badan. Marka laga yimaado in aan waaggii hore deeqsi u ahaa. Ma aqabalayo in uu jiro qandaraas labadeena u dhexeeyey, kaba saar meesha mid gaar ahaa oo la hakiyey. Waxaan aaminsanahay in sheekashadan aysan sal iyo baar lahayn, waan iska difaaci doonaa.”

Kiiskan meeqamka sare leh waxa uu bilaaban doonaa arbacada, halka Shiekh-kha toddobaadka dambe isaga iyo caawiyihiisa ka soo muuqan doonaan maxkamadda. Sida laga soo xiganayo Financial Times, ma jiro Xiddig Bollywood ah oo marqaati furi doonaa kiiskan madaniga ah oo la filayo in uu shan toddobaad qaato.

Ahmed waxa uu sheegay in uu dhawr kulan u diyaariyey kalantigiisa iyo Jilaasha Bollywood-ka gaar ahaan kuwooda ugu caansan sida Shah Rukh Khan iyo Salman Khan oo ka dhacay Mumbai bilowgii 2016. Hase ahaatee, Ahmed waxa uu sheegay in Shikeh-kha ka baxay heshiiskii oo uu dalbaday wakil kale in uu u diyaariyo la kulanka 13 kale oo xiddigaha Bollywood-ka ah.

Al Khalifa waxa uu beeniyey in uu siiyey Ahmed liis 26 magacyo ah balse waxa uu ogolaaday in uu ganacsadaha u diyaariyey shan kulan oo xiddigaha Bollywood-ka ah.

Maxkamadda Sare waxaa la sheegay in ay sanadkii hore ay xukuntay in kiiska lagu qaado London halkii la tegi lahaa Baxreyn maxaa yeelay Ahmed waxa uu Caasimadda ku lahaa xiriiro ganacsi.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com