Turkish Airlines waa inay ka wel-weshaa halista kusoo baxday qadkeeda Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Turkish Airlines waa in ay ka wal washaa soo laabashada diyaaradda Africa ugu dhakhliga iyo faa’idada badan ee dooneysa in ay kordhiso saameynta ay ku leedahay qaaradda.

Ethiopian Airlines waxa ay dib u bilowday duullimaadyaddii Muqdisho kaddib afartan sano in ka badan oo ay ka maqneyd.

Diyaaradda Ethiopia waxa ay joojisay duullimaadkeedii Muqdisho, Somalia 41 sano ka hor kaddib makii uu dagaal ka dhex qarxay labada dal toddobaatanaadkii. Dagaalka taariikhiga ah ee Ogaden oo dhacay Luulyo 1977 ilaa iyo Maarso 1978 waxa uu ahaa mid ku saleysnaa xuduud iyo ol’ole siyaasadeed waxa uuna labada dal dhex dhigay cadaawad kala jaray iskaashigoodii dhaqaale.

Sidaas oo kale waxa ay kala qabsatay Eritrea iyo Itoobiya, waxa ay curyaamisay xiriir walba oo dhexmari lahaa labada wadan muddo dheer.

Khilaafka siyaasadeed ee noocaas ah waxa uu saameeyey qaar ka mid ah wadamada Africa koritaankooda iyo horumarkooda halka uu dhaqaalahooda xaalad xun gaadhsiiyey oo ay sabab u tahay is fahan waagga. Hase ahaatee, wadamada Africa is bedel ayey wadaan iyaga oo doonaya in ay mustaqbal wanaagsan u dhisaan muwaadiniintooda.

Maadama Turkish Airline ahayd midda qura ee caalami ah ee ka shaqeysa Muqdisho, dib u bilowga Addis Ababa iyo Muqdisho duullimaadjooda ee diyaaradda Ethiopia waxa ay tartan adag ka dhex abuuri doontaa qeybta socdaalka. Ethiopian Airlines waxa ay caddeysay in aysan jirin diyaarad kale oo Africa ah oo kula loolanta xuduudaha iyo qaaradda.

Sida ay soo xigatay barta African Exponent, maareeyaha Ethiopian Airlines Tewolde Gebremariam waxa uu yiri: “Duullimaadka Muqdisho waa keennii 117-aad kaddib muddo ka badan 40 sano…taas waxaa lagu gaaray nabadda iyo saaxiibtinimada ka dhalatay Geeska Africa.

“Duullimaadka tooska ah ee Somalia waxa ay xoojineysaa dalxiiska, ganacsiga iyo maalgashiga, waxaan qorsheeneynaa in aan bilowno diyaaradaha xamuulka oo aan gaarsiinno duullimaadka maalin walba ama laba jeer maalintii.

“Hore ayaan u qiimeynay in Muqdisho nabad tahay oo hadda ammaan tahay.

“Duullimaadyadeenu sida dhaqso leh ayey ku laba jibbaarmi doonaan marka loo eegoo isu socoda labada dal ee walaalaha ah iyo isu socdodka Somalia iyo inta kale ee dunida.”

Ka hor Ethiopian Airlines, Turkish Airlines waxa ay macaash badan ka sameyn jirtay duulimaadka Muqdisho, oo ahaa midkeeda ugu qaalisanna kuna kici jiray ku dhowaad 2,500, maadaama hadda tartan soo wajahay waxay ku qasbanaan doontaa inay macaashkeeda yareyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com