9-ka koox ee hor-taagan nabadda Somalia (Waa tuma kooxda toddobaad?)

Halkan ka aqriso qeybihii hore ee qormadan.

Fakhri iyo Shaqo la’aan Dhalinyarada

Dalka soomaaliya wuxuu ka mid yahay dalalka caalamku ugu faqiirsan. Qiyaastii ay baxsheen 2017kii hay’adda caalamiga ee dhaqaalaha qaabilsan ayaa tilmaameysa in 65.6% bulshada soomaaliyeed ay noolyihiin xaalad dhaqaale oo faqri lagu tilmaami karo. Hay’adda qaramada midoobey u qaabilka isku xirka gargaarka ayaa sheegaysa sanadkaan 6.5 milyan oo ku nool soomaaliya ay u baahan yihiin gargaar bani’aadaminimo.  Waxaa kale oo la qisayaa in 70% dadka soomaaliyeed ka yar yihiin da’da sodon (30) sano jir, iyadoo 67% dhalinyarada soomaaliyeed ay yihiin shaqo la’aan islama markaan ay haystaan dhibaatooyin dhaqaale iyo waxbarasho la’aan. Xaaladdaan murugada leh ee ay ku noolyihiin dhalinyarada soomaaliyeed, ma keenin oo keliya duruufo qalafsan oo soo wajahay dhalinyarada, laakiin waxay sidoo kale caqabad weyn ku noqotay soo celinta nabadda, amniga iyo dowladnimada soomaaliyeed. Dhibaatooyinka ay keentay shaqo la’aan dhalinyarada iyo faqriga bulshada wey badan yihiin, laakiin kuwa ugu dardaran waxaa ka mid ah:

  1. Dhalinyarada oo lagu adeegto: faqriga iyo shaqo la’aanta baahansan ayaa waxay dhalinyarada u nugleeysay in kooxdaha dambiileyaasha ay sideey doonaan ka yeelaan dhalinyarada. Kooxdaha hubeysan iyo kuwa ku ka shaqeeya danaha dowladaha iyo ururada doonaayey inaan dalku degin ayaa waxay qortaan ama hawlgashadaan dhalinyarada shaqo la’aanta ee la jahowareersan dhaqaale iyo rajo xumo.
  2. Colaad iyo Dhimasho: dhalinyarada soomaaliyeed ayaa waxay noqotay buriska ama dubaha ugu weyn ee loo adeegsado burburinta dalka. Waxaan dhalinyarada loo balanqaadaa mustaqbal ifaaya iyo nolol ka wanaag mid ay ku jiraan, laakiin marka hore ay tahay inay ka qeyb-qaataan dagaalo ay in badan naftooda ku waayeen ama ka dhaxlaan curyaanimo/naafonimo joogta. Dagaaladdaan dhalinyarada loo adeegsado, ayaa waxaa inta badan laga leeyahay dano shaqsi ama kooxeedna, mana jirto wax faa’iido ah oo ay dhalinyaradu ka helaan.
  3. Tahbriib iyo naf-halignimo: duruufaha nololeed iyo shaqo la’aanta haysata dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ku kaliftay in badan inay qaadaan go’aan halis ku noloshaada iyo mustaqbalkooda. Rajo la’aan iyo faqrigu wuxuu dhalinyarada ku khasbaa inay dalkooda ka tahriibaan oo u badheedhaan khataro aad u badan oo ay ku jiro jirdil, xabsi, madax furasho iyo dhimasho. Arrintaan ay dhibaato ku ah nabadda dowladnimada soomaaliya maadaama dalku waayayo xoog iyo maskax badan oo uu baahi weyn u qabay.
  4. Dambeelanimo: dhalinyarada shaqo la’aanta ah ayaa waxay si fudud gacanta ugu galaan kooxo dambiileyaal ah oo aan naxariis lahayn. Kooxahaan ayaa waxay dhalinyarada u adeegsadaan fal dambiyeedyo ay ka mid yihiin burcadnimo hubeysan, kala gudbinta iyo ka ganacsiga maandooriyaasha iyo argagixisanimada. Arrintaa yaa keentay in badan oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah manta ku jiraan xabsiyo dalal shisheeye, iyadoo qaar badan oo ka mid ahaa dhalinyaradaas la dilay halka tirada dhabta ah ee ku jirta xabsiyada shisheeye aan cidina ogeyn…la soco qeybta xigta.

    W/Q: Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax). Dr. Qorax, 
    waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka KenyaEmail: abdullahi.qorah@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid