Gaza (Caasimada Online) – Marinka Gaza ayaa usii muuqanaya “meel aan lagu noolaan karin” iyadoo sawiro laga soo qaaday magaalada Beyt Xanuun ee waqooyiga marinka Gaza ay muujinayaan xaalad quus ah.
Sawirradan ayaa muujinaya xaaladda argagaxa leh ee ka jirta iyo sida marinka loogu rogayo dhul bannaan, marka la is barbar-dhigo muuqaalkeeda hore iyo sida ay hadda noqotay.
Israa’iil oo adeegsaneysa kooxo calooshood u shaqeystayaal ah ayaa burbur aan horey loo arag ka fuliyay marinka Gaza, iyadoo shirkaddo gaar ah lagu siiyay heshiisyo inay burburiyaan dhismayaasha shacabka reer Falastiin.
Sida ay muujinayaan xogaha la helayo, halkii dhisme waxay Israa’iil ku bixisaa lacag gaareysa kun dollar in dhulka la dhigo, taas oo keentay in si xawli ah u socdo qorshaha lagu burburinayo marinka Gaza.
Nidaamkan ayaa isu rogay hab ganacsi oo dadka fulinaya ay ka helayaan faa’iido dhaqaale, halka dadkii lahaa guryaha ay wajahayaan xaalad xuus ah, xilli ay Israa’iil go’doon ku hayso marinkaasi.
Ujeedka qorshahan ay ka leedahay Israa’iil?
Ujeeddada ugu weyn ee qorshahan waa in dadka reer Gaza laga tirtiro hantidooda iyo guryahooda, si ay u waayaan meel ay ku hoydaan.
Tani waxay cadaadis ku keeni kartaa dadka shacabka ah si ay u qaxaan una faarujiyaan dhulkooda, iyadoo loo marayo burburin joogto ah.
Qorshahan ayaa iftiiminaya in Israa’iil aysan kaliya dagaal milatari ka wadin Gaza, balse sidoo kale ay ka shaqeynayso burburinta magaalada, taasoo ujeeddadeedu tahay in meesha laga saaro nolol kasta oo ka jirta Gaza.
Qorshahani wuxuu qayb ka yahay xeelad fog oo shacabka lagu cadaadinayo si ay uga tagaan dhulkooda.
Arrintan ayaa imaneysa xilli uu fashilmay qorshe uu Mareykanku gadaal ka riixayay, kaasoo lagu doonayay in Falastiiniyiinta laga raro Gaza, kadib markii ay ka caga jiideen dalal dhowr ah oo loo soo bandhigay inay qaabilaan dadka si qasaba looga rarayo dhulkooda.
Hoos ka arag sawirada hadda iyo markii hore: