Baydhaba (Caasimada Online) – Abaabul loogu jiro sidii lagu dhisi lahaa Maamulka Koonfurta Somalia ayaa ka socda Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay, halkaasoo ay tan iyo shalay gaarayeen waxgarad iyo aqoonyahno kasoo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool.
Qorshaha shirkan iyo maamulkaba ayaa waxaa in muddo ah ka shaqeynayey afhayeenkii hore ee Baarlamanka Somalia Shariif Xasan Sheikh Aadan, oo in muddo ahba si hoose u waday olole.
Maamulka ayaa qorshuhu yahay inay ku midoobaan gobollada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.
Shariif Xasan ayaa la rumeysan yahay inuu isku diyaarinayo madaxweynaha maamulkaasi oo magaciisa noqon doono South West State.
Shirka ayaa imanaya ayada oo beelaha kasoo jeeda Bay iyo Bakool ay xiriirka u jareen dowladda Somalia.
Waxagaradka iyo xubnaha beelaahaas ayaa ayaa waxay ku eedeeyeen Madaxda DF inay heshiis la galeen maamul ka mid ah maamulada dalka ka jira iyagoo ku qancinaya rabitaankooda.
“Halkan [Baydhabo] waxaa ka socda abaabul loogu jiro sidii loo sameyn lahaa maamul ay dadka Deegaanku leeyihiin, kaasoo aan ku casuunay inay kasoo qaybgalaan Xildhibaanada iyo Wasiirkada DF ugu jira Digil iyo Mirifle” ayuu yiri Cali Shiino oo ah Afhayeenka Waxgaradkii kulanka yeeshay.
Afhayeenku wuxuu sheegay inay xiriirka u jareen Dowlada iyagoo kasoo horjeeda talaabadii ay heshiiska kula gashay Sh. Axmed Madoobe oo horay u ahaa Madaxweynihii Maamulkii Jubaland hadana ah Hogaamiyaha Maamul KMG ah oo loogu magac-darayo Jubba.
Dhanka kale Villa Somalia oo ka hadashay cabashada kasoo yeertay dadka ku nool Gobolada Bay iyo Bakool ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay la hadasho si ay u dhageysato fikirkooda ku aadan shirkaas iyo waxa ay dhab ahaan ka cabanayaan.
Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]